Dagaal ka socda gobolka deegaanno ka tirsan gobolka Bari

Deegaanka Barookhle waxaa ka qarxay saaka dagaal u dhaxeeya Ciidanka xorraynta gobolka Bari oo u hoggaaminayo guddoomiyahii hore ee gobolka Bari Cabdisamad Gallan
iyo maleeshiyaadka Horjooge Cabdiwali Gaas.

Dagaalka ayaa billowday iyadoo odayaasha iyo waxgaradka gobolka Bari wada-hadal nabadeed kula jireen hoggaamiyaha xorraynta gobolka Bari Cabdisamad Gallan.

Horjooge Gaas ayaa hore u sheegay inuu wadahadal diyaar u yahay, ergona u diray heshiisinta labada dhinac balse taas ayuu ka baxay sidaa la sheegay iyadoo qaar ka mid ah odayaashii iyo xubno dowladda ka mid ah arrinta aad uga caroodeen.

Ilaa hadda lama ogsoona khasaaraha dagaalka labada dhinac dhexmaraya.

Sirqarsoon@gmail.com