Weerar ismiidaamin ah oo lagu qaaday Hoteelka Naasahablood Kow

Gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa ku qarxay iridka hore ee hotelka Naasabahlood Kow oo ku yaala agagaarka isgoyska Lambar Afar ee magaalada Muqdisho.

Maleeshiyaad hubeysan ayaa qaraxa kaddib galay gudaha hoteelka, iyadoo daqiiqado kaddibna ay gudaha hoteelka galeen ciidamada ammaanka, waxaana hadda la maqlayaa rasaas ay isweydaarsanayaan ciidamada ammaanka iyo maleeshiyaadkaasi.

Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir Cabdifitaax Cumar Xalane ayaa Radio Muqdisho u sheegay in ciidmada NISA ay gudaha u galeen hoteelka Naasahablood Kow, isagoo tilmaamay in si deg deg ah lagu soo afjari doono maleeshiyaadkaasi.

Lama oga ilaa iyo hadda qasaaraha ka dhashay weerarkaasi, waxaana weli socda howlgalka ay ciidamadu ku badbaadinayaan dadka ku jira hoteelkaasi.

Reeb Fariin

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s