Ilaalada Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Jirdilay Wariye Geeddi

Ilaalada Wasiirka Warfaafinta Puntland Soocadde ayaa ku weeraray agagaarka shirkadda isgaarsiinta Golis ee magaalada Garoowe Agaasimahii Raadiyaha Daljir Cabdifitaax Cumar Geeddi.

Geedi ayaa jirdil xooggan loo gaystay inkastoon dhaawac muuqda la gaarsin, iyadoo qayladiisa ay ku soo carareen ayna badbaadiyeen askarta ilaalada shirkadda isgaarsiinta Golis iyo dadwayne ka ag-dhawaa goobta, kuwaasi oo Geeddi ka bad baadiyay goobtaasi.

Madaxa Raadiyaha Daljir Cabdifitaax Cumar Geeddi ayaa sheegay in uu dareemayo jir xanuun, isla markaana aysan jirin dhaawac aad u wayn oo gaaray, balse gaarigii uu watay waxyeelo loo gaystay.

Wasiir Soocadde ayaa dhowaan sheegay inay dili doonan Wariyeyaasha, sidoo kalena joojiyey shaqadii raadiyaha Daljir.

Sirqarsoon@gmail.com

Advertisements

Reeb Fariin

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s