In ka Badan Toban ruux oo ku geeriyootay Qaraxii saaka Muqdisho ka dhacay iyo Xildhibaan Saalax Badbaado oo Is Qarxiyay.


13 qof ayaa ku dhimatay 9-kalena wey ku dhaawacmeen kadib markii labo gaari oo laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa islamrkaana ay saarnaayeen dad isi soo miidaamiyey ay ku qarxeen meel ku dhow xerada Xalane, gaar ahaana inta u dhaxeysa

Garoonka diyaaradaha iyo afaafka hore ee xerada Xalane ee magaalada Muqdisho.

Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir Cábdifitaax Cumar Xalane oo gaaray goobta ayaa sheegay in labada gaari oo mid uu ahaa nuuca loo yaqaan dheynaha la doonayey in lagu qarxiyo goob ay dagan yihiin qaar kamid ah hay’adaha UN-ka

Waxa uu sheegay in daariga dhaynaha ah uu ku qarxay wado u dhaxeysa albaabka garoonka diyaaradaha laga galo iyo afaafka hore ee xerada Xalane ee loo yaqaan Madiina Gate.

Intaasi kadib Gaari kale oo nuucada raaxada ah ayuu sheegay inuu isku dayey in uu kasoo gudbo bar-koontarool oo ay leeyihiin ciidamada NISA, balse ay ku fureen rasaas ay uga hortagayeen, sidaasina uu ku qarxay gaarigaasi.

Xildhibaan hore Salaax Nuux Ismaaciil “Saalax Badbaado” ayaa ahaa ninkii fuliyay weerarkii is qarxinta ahaa ee ka dhacay maanta agagaarka Garoonka Diyaaradaha Aadan cadde ee magaalada Muqdisho sida warbaahinta Shabaabku sheegtay. 
Saalax Badbaado oo ka tirsanaan jiray Baarlamaankii hore ee Soomaaliya ayaa waxa uu iskaga baxay sanadkii 2010-kii xilligaasi oo uu ku biiray kooxda Alshabaab. 
Saalax ayaa waxa uu deegaan ahaan kasoo jeedaa Somaliland.

“Dadka dhintay waxey isugu jiraan shacab goobta marayey iyo ciidamo ilaalo u ahaa hay’adaha UN-ka, Qaraxa dambe waxaa ku dhaawacmay labo askari”ayuu yiri Cabdifitaax Cumar Xalane afhayeenka maamulka gobolka Banaadir

 

Dhanka kale waxaa jira khasaaro gaaray ciidanka Amisom inkastoo illaa hadda aan Wax war sugan ah laga hayn. iyaguna sheegeen inay dib ka soo sheegi doonan khasaarahooda.

 

Sirqarsoon@gmail.com

Advertisements

Reeb Fariin

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s