Somaliland oo sii daysay Xildhibaan Puntland ay dagaal uga qabsatay

13912612_1759225814320221_2989091927394666045_nMaamulka Somaliland ayaa waxay xorriyaddiisii dib ugu usoo celisay Xildhibaan Maxamed Faarax Canjeex oo ka tirsan xildhibaanada Maamulka Puntland – kaasi oo lagu qabtay dagaal Ciidanka maamulka Puntland iyo kuwa Somaliland ku dhex maray deegaanka Boodda-cadde oo ka tirsan degmada Dhahar.

Xildhibaanka oo xorriyadiisa kaddib saxaafadda la hadlay ayaa wuxuu sheegay in muddo 12-cisho ah uu ku xidhnaa Xabsi ku yaalla magaalada Ceerigaabo, isagoo xusay in siidayntiisu ay ku timid wada-hadal dhex maray Puntland iyo Somaliland – kaasi oo ay qayb ka ahaayeen odayaasha dhaqanka.

Xildhibaan Canjeex ayaa waxa kale oo uu sheegay muddadii uu ku sugnaa Somaliland gaar ahaan magaalada Ceerigaabo oo uu ku xidhnaa in loola dhaqmay si aad u wanaagsan, isla markaana masuuliyiinta iyo shacabka Somalilandba uu uga mahadcelinayo sida ay ula dhaqmeen.

 

Khaalid Foodhaadhi

GaloolMedia

Advertisements

Reeb Fariin

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s