Mudaaharaadka #Ethiopia: Maxaa keenay dhibka Gondar

ethiopiaMudaharaadka Itoobiya ka dhacay Axaddii ee ay ka qeybqaateen kumannaanka ruux ee ku sugan magaalada Gondar ee gobolka Amxaarada ayaa ah tusaale naadir ah oo loo soo qaadan karo mudaharaadyada dalkaasi ka dhaca ee dawladda lagaga soo horjeedo.

Waxaa lagu abaabulay baraha bulshada balse kooxina ma aysan sheeganin masuuliyadda dibadbaxaas.

Mudaharaadkan ayaa yimid laba todobaad kaddib markii uu isla magaaladaas ka dhacay mudaharaad ay ku dhinteen 15 ruux kuwaas oo isugu jiray shacab iyo laamaha ammaanka.

Mudaaharaadku muxuu salka ku hayaa?

Mudaharaadyadan u dambeeyay waxay salka ku hayaan kaddib markii bulshada Welkait oo hadda hoostagta gobolka Tigray ay codsadeen in dhulkooda la hoosgeeyo maalmulka gobolka Amxaarada.

Gudi ay leeyihiin Welkait ayaa sheegay in bulshadu ay iyagu isu arkaan dad Amxaaro ah aysanna doonayn in Tigreegu maamulaan.

Dibadbaxyada ayaa bilawday shan maalmood ka hor laakiin gudida Welkait ayaa codsiga in la wareejiyo ah soo jeedinayay sanad.

Amxaarada ayaa dalka soo maamuli jirtay, luuqadooda ayaana ilaa iyo hadda ah mid laga isticmaalo dalka Itoobiya intiisa badan.

Ma intaas unbay ku egtahay?

Dadka falanqeeya waxay leeyihiin xukuumadda Itoobiya waxaa inteeda badan maamulka haysta xisbiga gobolka yar ee Tigreega ee TPLF, dadka qaarna waxayba u arkaan in mudaaharaadkani uu yahay hannaan lagu dhaliilayo dawladda dalka.

Mudaharaadka markii Axaddii lagu abaabulayay baraha bulshada ma jirin wax kale oo la soo hadal qaaday, laakiin markii mudaharaadku bilawday boodhadhka qaar waxaa taageero loogu miijiyay dadka gobolka Oromada.

Tan iyo bishii Nofeembar ee sanadkii hore dawladdu waxay wajahaysay mudaharaadyo badan oo dadka Oromada ah ay kaga cabanayeen in la takooro.

Mudaharaadyadaas waxay ka bilawdeen qorshe dawladdu ku doonaysay in ay ku ballaariso magaalada caasimadda ah ee Addis Ababa iyada oo lagu fidinayo dhulka Oromada. Qorshahaas ayayse dawladdu baajisay markii dambe.

Arrintaas ayaase horseedday cabasho dawladda loo soo jeedinayo oo aan dhamaanin.

Oromada ayaa ah qawmiyadda ugu tirada badan dalka Itoobiya.

Dadkii dibadbaxa dhigay Axaddiina waxay ku baaqayeen in la sii daayo 18 ruux oo Muslimiin ah oo la xiray sanadkii hore iyaga oo loo cuskaday sharciga muranka dhaliyay ee argagixiso la dagaalanka.

Tirada Qawmiyadaha Itoobiya

  • Oromo – 34.4%
  • Amxaaro – 27%
  • Soomaali – 6.2%
  • Tigray – 6.1%
  • Sidama – 4%
  • Gurage – 2.5%
  • Inta kale -19.8%

Xigasho (CIA World Factbook) qiimayntaas waxaa la sameeyay sanadkii 2007-dii.

Maxay muhiim u yihiin xadka gobolladu?

Dawladda hadda talada haysa oo xilka qabatay sanadkii 1991 kaddib markii ay talada kala wareegtay Mengistu Haile Mariam oo kaligii taliye ahaa, ayaa dowladdu waxay soo rogtay dastuur faderaaliisim ah kaas oo looga gol lahaa in awoodda lagu dhaadhiciyo.

Markaasna gobollada waxaa lagu saleeyay qawmiyado iyo luuqad.

Taas waxay ka dhigan tahay in qawmiyaduhu ay hor kacayeen muranada ku saabsan meesha laga dhigayo xadka.

Dareenkaas ayaana ka dhacay qeyba kale oo dalka Itoobiyo ah mana aha Amxaarada iyo Oromada kuwo ku kooban.

Ma wax xiriir ah ayaa ka dhexeeya mudaharaadyada ka dhaca qeybaha kale ee dalka?

Ma jiraan xiriir toos ah oo ka dhexeeya mudaharaadyada Amxaarada iyo kan Oromada, laakiin waxay u muuqataa in ay ka dhigan tahay in dadka ay ku soo kordhayso kalsoonida ah in dawladda la dhaliili karo.

Sawir dad mudaaharaadayaImage copyright AFP
Image caption Hay’adda xuquuda aadanaha u dooda ee Human Rights Watch ayaa sheegtay in ay 400 oo ruux ku dhinteen dibadbaxyada ay Oramadu dhigeen

Qolyaha xuquuqda aadanaha u dooda ayaa dawladda Itoobiya ku dhaliila in ay la dagaalanto mudaharaadyada iyo mucaaradka, ayna u adeegsato sharciga argagixiso la dagaalanka si ay u aamusiiso.

Mudaaharaadka Amxaarada ee labo todobaad ka hor dhacay waxaa kiciyay xarig loo gaystay xubno ka tirsan guddiga aqoonsiga Amxaarada Welkait.

Iyadoo muquunintaas ay jirto mudaharaadkaste oo dawladda lagaga soo horjeedo ayaa loo arki karaa mid muhiim ah.

Dawladdu halkay ka taagan tahay arrintan?

Laba todobaad kahor, dawladda faderaalka ah ee Itoobiya ayaa dalka ay dariska yihiin ee Eritrea ku eedaysay in ay ka dambayso daganaansho la’aanta, waxayna si adag uga digtay in “ficillada shaydaannimo” ay ka joojiso.

Laakiin xukuumadda Addis Ababa kama aysan hadlin mudaharaadyadii Axaddii.

Waxaa laga yaabaa in ay doorbidayso in si heer gobol ah loo xalliyo.

Gobolka Amxaarada ayaana ka hadlay.

Wuxuu sheegay in dhibaatada mudaharaadayaashii Axaddii in uu la xiriiro dawlad wanaag uuna isku dayi doono in uu wax ka qabto.

Tani waxay sii xoojinaysaa jawaabtii dawladda deegaanka Oromada ee iyadana aheyd in ay wax ka qabanayso dhibaatooyinka ay tabanayaan dadka deegaanku.

Qaar ka mid ah dadka wax ka faalooda waxay sheegayaan in Mudaaharaadka Amxaaradu uu u muuqdo qayb ka mid ah diidmada dawladda ee sii koraysa taas oo dawladduna ay doonayso in ay xakamayso.

Laakiin maadaama oo aysan jirin xisbiyo mucaarad ah oo ka tirsan baarlamaanka, dareenkan wuxuu sii ahaan doonaa mid ku socda si goos goos ah oo ma noqon doono ol’ole agaasiman.

 

Xigasho – BBCSomali

Reeb Fariin

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s