Shirkii Madasha Qaran oo mar kale Muqdisho ka furmay (Warbixin)

Xasan SheekhMagaalada Muqdisho waxaa mar kale ka furmay shirkii madasha qaran kii ugu dambeeyey ee hoggaamiyeyaasha Soomaalidu iskugu yimmaadan, Shirka ayaa waxaa ka soo qaybgalay Madaxweynaha Soomaaliya, Guddoomiyaha Baarlamaanka, Ra’iisul Wasaaraha iyo madaxda maamul gobolleedyada

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa si rasmi ah u furay shirkaasi oo labo maalin ka socon doonna magaalada Muqdisho.

Shirka ayaa waxaa looga arrinsanaya doorashada Soomaaliya waqtiga ugu habboon ay dhici karto iyo weliba hanaanka doorashada lagu maamuli doonno.

Warar hoose oo Sirqarsoon.com heshay ayaa sheegaya in doorashada waqtigii loogu talagalay aysan dhici doonin laguna dari doono waqti dheeri ah, wararka ayaa intaasi ku daraya in sannadka cusub billowgiisa la rajayn in waqtigaasi noqdo.

Siyaasi salaad Cali Jeelle ayaa durba maanta arrinka ka hadlay isagoo idaacada shabeelle ee magaalada Muqdisho u sheegay in doorashada haddii ay waqtigeeda ku dhci weydo odayaasha iyo waxgaradka lagu wareejiyo masuuliyadda dalka.

Dhinaca kale waxaa shir gaar ah iskugu yimid horjoogaha Puntland‬ iyo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya illaa hadda lama ogsoona waxay ka wada hadleen labada nin oo hal beel ka soo wada jeeda.

 

Sirqarsoon@Gmail.com

Advertisements

Reeb Fariin

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s