Gaas Oo Eedeyey Galayr Iyo Guuleed Oo Gaas Xubno Dheeriya u Diiddan.

gaas iyo guuleedCabdiweli Gaas Horjoogaha Puntland ayaa ku sooo laabtay magaalada Garoowe isagoo halkaasi shir jaraa’id oo u ku qabtay ku inkiray Wax la dhaho Khaatumo iyo Maakhir State inay jiraan, sidoo kale wuxuu sheegay in Cali Khaliif Hoggaamiyahii Khaatumo State oo xilligan wadahadallo kula jira Somaliland inuu yahay shaqsi xanuunsan oo qaba xanuun dhinaca maskaxda ah.

Gaas ayaa ku tilmaamay Cali Khaliif Galayr inuu yahay qof xanuunsan oo uu hayo cudurka jeclaysiiya qofka cidii dhibaateynaysa , Islamarkaana uu ku jeclaaday Somaliland cayr-sashadii badnayd ee ay kula kaceen.

Xanuunka Gaas ku eedeyn inuu Cali Khaliif Galayr qabo ayaa ah mid dhanka maskaxda oo qofku jeclaado qofkii dhibaateeya keliya halka u nacayb darran uqaado qof kastoo wanaag u sameeya. hore ayaa Horjoogaha Puntland loogu eedeyn jiray xanuuno dhinaca maskaxda ah balse waa markii ugu horreeysay ee isagu ku eedeyo ruux kale xanuun dhanka madaxa ah.

Dhinaca Kale Madaxa Maamul gobolleedka Galmudug ayaa sheegay inay ka soo horjeedan go’aanadii ka soo baxay shirka madasha qaran ee magaalada Muqdisho lagu saxiixay. wuxuu sheegay in shirkaasi ay dadka Galmudug aqbali doonin madama sadbursi lagu sameeyey siduu sheegay maamulka ay deriska yihiin ee Puntland.

”……Waxaa rabaa inaan ka hadlo arrimaha siyaasada, dalka waxaa ku soo fool leh doorashooyin iyo is bedel dhinaca siyaasada, Galmudug xubno fir fircoon ayay ka tahay arrimahaas, dhamaan shirarkii madasha si dhameystiran ayaa uga qeyb galnay, laakiin go’aanadii shirkii Madasha ee ugu dambeeyay qodobka ku saabsan in labo xubnood oo dheeri ah loogu kordhiyo Puntland, arrintaas hadaa nahay reer Galmudug ma waafaqsani,”Ayuu yiri Cabdikariim Guuleed.

Cabdikariim, ayaa sidoo kale carrabka ku dhuftay in maamulkiisa xubin fir-fircoon ka ahaa hannaanka looga gudbayo marxaladda kala guurka ah, wuxuuna ku baaqay in maamullada si siman wax loogu qaybiyo.

Puntland ayaa loogu kordhiyay xubnahii ay hore uga heshay aqalka sare labo xubnood oo kale taas oo Galmudug xilligan ka hortimid.

Maamullada Galmudug iyo Puntland ayaa waxxa ka dhaxeeya cadaawad Salka ku haysa qabiil.

 

 

Yusuf Ali Adan

Sirqarsoon@gmail.com

Advertisements

Reeb Fariin

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s