Guuleed Iyo Gaas yaa U garniqi doonna???

Gaas-iyo-GuuleedCabdiweli Gaas si uu u aqbalo in Xassan Shiikh Maxamuud muddo kordhin loo sameeyo ayaa waxaa loogu daray xubnahii aqalka sare labo xubnood, Balse Cabdikariin Xuseen Guuleed oo Saaxiib dhow la ahaa Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Shiikh Maxamuud uuna isku halaynayay inuu go’aan

 kastuu gaaro aqbali doonno ayaa taasi ka soo horjeestay.

Guuleed xubnaha aqalka sare ee Puntland loogu daray keliya kama soo horjeensan ee xiita wuxuu diidday in ciidamada DANAB la keeno magaalada Gaalkacayo dhinaca Galmudug, wuxuuna sheegay in aan taasi lagala tashan.

Ciidanka ayaa loo keenay si ay kooxo Puntland ku eedeysay inay ka dambeeyan dilalka Waqooyiga Gaalkacayo kuna sugan Koonfurta loogu soo qaban lahaa iyadoo la isticmaalin magaca dowladda Somalia.

Cabdikariin Xuseen iyo Cabdidweli Gaas oo ka soo kala jeeda labo beelood oo dagaallo ka dhaxeeyaan ayaa kala hoggaamiya Galmudug iyo Puntland mid kastana kan kale oo xoogaysta wuxuu u arka khatar wayn.

Gaalkacayo waxaa ku dagaallamay bilahii Nofeembar iyo Diseembar ee sannadkii hore maamulada Galmudug iyo Puntland dad badan ayaana ku dhintay kuwa kalena waa ku dhaawacmeen sidoo kale muddooyinkan dambe waxaa ka socday dilal qorshaysan kuwaas oo loo gaysan dadka waxtarka u leh bulshada.

Magaalada ayaa u kala qaybsan laba dhinac tan iyo markii ay burburtay dowladdii hore ee Soomaaliya. waxaana wada degan qabiiladii salka u ahaa dagaalladii sokeeye ee dalka ka dhacay.

Dhinac kasta wuxuu isu arka midka xaq u leh magaalada taas oo sabab u ah soo noqnoqodka dagaallada iyo weliba iska hinaaska labada maamul.

Dorraad haddii aad maqli jirtay Cabdullahi Yusuf iyo Caydiid, shalayna aad maqashay Cabdiraxmaan Faroole iyo Cabdi Xassan Cawaale Qaybdiid, Maanta waa Cabdikariin Xuseen Guuleed iyo Cabdiweli Cali Gaas. mid kastana isla saxan meelo badana iskaga eg.

 

W.Q Yusuf Ali Adan

YusufCali@Hotmail.com

 

 

Advertisements

Reeb Fariin

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s