Nabadoon caan ahaa oo Caawa lagu Dilay Magaalada Muqdisho

bastooladKooxo ku hubeysanaa bistoolado ayaa Caawa Nabadoon caan ahaa waxey ku Dileen Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho.

Nabadoonka oo lagu magacaabi jiray Saciid Sheekh Aadan ayaa dabley waxey ku toogteen Suuqa Baakaraha gaar ahaan halka Cowska lagu iibiyo.

Nabadoon Daahir Cumar oo ka mid ah ehelada Marxuum Saciid Sheekh Aadan ayaa u xaqiijiyay Idaacadda Shabelle geerida AUN Nabadoonka.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxuu intaasi ku daray dableydii ka dambeysay Dilkaasi ay isaga baxsadeen goobta.

Weli lama oga sababta dhabta ah ee ka dambeysa Dilka Nabdoon Saciid Sheekh Aadan.

Ciidamo ka tirsan kuwa amaanka oo goobta gaaray ayaa bilaabay howlgallo baaritaano ah, inkastoo aan weli la ogeyn hadii dad lagu soo qab qabtay howlgaladaasi.

Ilaa iyo hada ma jirto cid sheegatay mas’uuliyada Dilkaasi caawa ka dhacay Suuqa weyn ee Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho.

 

Xigasho –  Shabelle News

Advertisements

Reeb Fariin

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s