​Kursiga Madaxwaynanimadda Soomaliya iyo Gabdhaha yar yaree Soomalidu waa isku mid!


Gabdhaha yar yaree Soomalida, haddii ay gabadhu tahay mida iyadu xor u ah Doorashadda ninka ay Mustaqbalka la wadaagayso, Shukaansi caata ah waad ku dayi kartaa, waliba Adigoo “Romantic” isaga dhigaya

, oohintii Shaaru khaanna sayrinaya, Sidaasna waa loo badshaa inaad ku hanan karto.. Haddiise Waalidkeed yahay midka u dooraya gabadha ninka Guursanaya, Oohin iyo Romatic iska dhigid wax shaqaynaya ma ahane Waa LACAG ma wadataa Maandhow!
Madaxwaynanimadda Soomaliyana waa sidaasoo kale, haddii Shacabku Dooranayaan Madaxwaynahooda, Shacabka waad shukaansan kartaa, adigoo Wadani  isaga Dhigaya, Qiiro iyo oohin been ahna iska keenaya, Sidaasna waa suurtagal inaad Cod ku hesho, Haddiise ay Xildhibaano tirsan ay yihiin kuwa Kursigaa Qofka ku fariisanaya dooranaya, Oohin iyo waxaas ma Shaqaynayaane waa Maxaa Lacag wadataa, haddii aad Bahashaa wadatanna cid ku hor istaagi kartaa ma jirto.
Marka haddiba aysan Shacab Soomaliyeed hadda Madaxwaynahooda dooranayn, oo Xarfaantii “Lacagey lacag” dooranayaan, Annigu ma aqaan waxa Musharaxiinta qaar ay ROMANTICA isaga dhigayaan, Annaganna Shukaansigga caatada ah noogu dayayaan, iyagoo og meesha in Aw Bidaar shaqaynayo!.
Crahman Ahmed

Faafi: Sirqarsoon@gmail.com

Advertisements

Reeb Fariin

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s