​Bawbawle Cabdiwali Gaas. 

Bilaashxayte Cabdiwali Gaas Waxqabad la’aanta iyo hadalbadnida wuxuu ku darsaday Dhiidhdhi Shiishad iyo Faysbuug la dhex qodtomo habeen iyo maalin. Dadkii mas’uuliyaddu ka saarneed, horumarkii deegaanka,

mushaharkii ciidanka iyo shaqaalaha intaas oo dhan wuxuu ku beddeshay qabyaalad u dagaallan hunguri ku garab yahay, kala sooc dadka Puntland iyo weliba caddaalad xumo. 
Puntland kama jirto isla xisaabtan maamul, xornimo shacab ama warbaahin, Madaxda deegaankaasina waa dad u nool keliya jeebkooda balse aan marna ka fekerin dadka iyo deegaanka. Safaro micno la’aan; shirar aan wax ka soo baxayn; iyo weliba qabyaaladda maamulka oo noqotay tusbax afka laga furay. 
Canshuur xadka ka baxsan, aana wax lagu qaban kuwii laga qaadday, biyo la’aan deegaanada qaarkood iyo waliba waxbarasho xumo gaarsisay dadka qaybtood inay ka guuraan dhulkoodii. Taas waxxa sii dheer shaqo la’aan dhallinyarada haysta. 
Amni xumo iyo ciidanka qaarkood oo isku beddelay mooryaan dadka baarta markii mushahar ay waayeen, isbaarooyinka oo meel kasta la dhigtay, dhallinyaradii oo habeenkii laga kaxaaysan goobaha cawayska iyadoo lacago badan lagu soo dayn marka waalidkiis tago xabsiyada, kufsiga dumarka iyo dhaca hantida ummada oo gaaray halkii ugu sarraysay tan iyo intuu jiray maamul gobolleedku.
Dhiillo colaadeed oo salka ku haysa qabiil, argagaxisada oo garab ka heli waddaadada Alictisaam iyo ganacsigii deegaanka oo hoos u dhacay dhammaan arrimaha soo sheegnay maaha kuwa Horjooge Gaas damqasho ku haya.
Puntland hore maamulkeeda sare Madaxdhaqameed ayaa gacanta ugu hayay balse xilligan booska Isimmada waxaa u jooga wadaad waranle wasmo ka hadalkeed keliya shaqadiisu noqotay. Halkuu ka diggi lahaa caddaalad darrada iyo boobka hantida ummada, Isimmadii Puntland ee macruufka ahaana waxaa Gaas iyo kooxdiisu ku beddeleen kuwa macmil ah oo shaqadoodu tahay maxaan cunaaa….. 
Madaxdhaqameedyadii hore ee Soomaalidu si kastoo ay aqoonlawayaal u ahaayeen haddana danta dadkooda waa ku dhiman jireen wixii xuna lama soo marsiin jirin. 
Puntland waxay u baahan tahay badbaado, waana inaan ka badbaadina Gaas iyo colkiisa u soo shaqo tegey ka ganacsiga dhiigga shacabka.
Yusuf Ali Adan

Sirqarsoon@gmail.com 

Reeb Fariin

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s