​Aqalka SARRE & WAREER KA TAAGAN (Warbixin)

Aqalkan oo horaantii hore ka koobnaa 54kursi ayaa waxa maamulada Soomaalida ee 6da-maamul [Jl, Koonfur Galbeed, Hiiraan iyo Shabeelle, Galmudug, Puntland, iyo Somaliland] loo qoondeeyay min 8xubnood, taasoo noqonaysa 6*8=48. hadii la baxshay 48kursi waxa soo haray 6kursi, waxa ay madaxdu isla gartayn in kurastaas lixda ah la siiyo dhulka [Sool,

sanaag iyo buuhoodle] iyadoo loo kala raacinayo min 3kursi maamulada Pl iyo Sl. 
Puntland waa ay siisay 3doodi kursi dadka [Ssc], waxayna u qaybisay sidan 11keedi kursi [Bari 3xubnood, Nugaal 3xubnood, Mudug 2xubnood iyo Ssc 3xubnood], halkaas wax mushkilad kama aysan imaan, waxayse dhibtu ka timid qaybtii Somaliland oo gacanta loo gashay raysalwasare-kuxigeenka Maxamad Cumar Carte wuxuu si cad u sheegay in 11ka xubnood ee Somaliland la siiyay 10kamid ah ay leeyihiin [Dirta-waqooyi], xubinta soo hartayna ay siinayaan dadka laga tirada badanyahay. Taasi waxay keentay in madaxda sarre soo fara-galiyaan, madaama qoondadii dadka [Ssc] la diidanyahay, waxayna ku xaliyeen in SL loogu darro laba xubnood, hase-ahaate la caddeeyo cida qaadanaysa oo ah [Hartiga-waqooyi]. 

Haddaba Carte oo ka xun in magaca Somaliland ay wax ku helaan cid aan ahayn [Dirta waqooyi] ayaa sheegay inuusan ku qanacsanayn, waxa isla maalintaas qayliyay Odayadii, xildhibanadii iyo waxgaradkii reer Somaliland ee Hoteelada Muqdisho ku noolaa, waxayna sheegayn inay goosanayaan oo Muqdisho uga dhamaatay, una baahanyihiin Diyaarad ay Hargaysa ku tagaan. 
Hadaba Loolanka meesha ka jira ee runta ahi waxa uu yahay LOOLAN BEELEED, kasoo ka dhigan “‘Sidee BEEL ku yeelan kartaa 1/3 [sadex-meelood meel] kuraasta aqalka sarre, oo Soomaali oo dhan u waddaagta [laba-meelood].!” 
Sheekada ugu cajiibsan ayaa ah; Guuleed madaxwaynaha Galmudug waa uu ka maqnaa shirka madasha, waxaase matalayay madaxwayne kuxigeenkiisa Maxamad Carabeey oo isagu saxiixay qoddobadii kasoo baxay shirka, hase yeeshe Guuleed waa uu ku gacan seeray qoddobadii uu saxiixay Madaxwayne kuxigeenkiisu! taasi waxay ina tusaysa in Galmudug madaxdeeda uusna ka dhexayn wada tashi iyo tallo, Madaxwayne kuxigeenkuna ASAL-MADOORSHE ka yahay maamulkaas gobolka iyo badhka ka kooban. 

Aqalkan oo tan iyo intii la billaabay yagleelidiisa lagu kordhiyay illaa iyo 4xubnood ayaanan la garanayn inuu dhismi doono? iyo in kale? sidoo kale xubno kale ma lagu kordhin doonaa? 

__________________________

Dhanka kale Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa cafis u fidiyay siyaasiyiinta iyo madax-dhaqmeedka ku sugan Muqdisho, kuwaasi oo inta badan Somaliland ku matalayay siyaasada Soomaaliya. Sidaas eaxaa shir jaraa’id oo u magaalada Hargeysa ku qabtay ku sheegay Wasiirka warfaafinta maamulka Somaliland Cismaan Cabdillaahi Saxardiid Caddaani.

Hadalka Somaliland ka soo baxay ayaa u muuqda “Xaydha Jecli, Beerka Jecli” waa lugo qabasho Dowladnimada Soomaaliya iyo labo wajiilanimo..


MufaKir WarSame

Sirqarsoon@gmail.com 

Advertisements

Reeb Fariin

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s