Fanaanada Nasteexo Indho Oo Mar kale Inay Heesto la Diidday

Fanaanada Soomaaliyeed ee Nasteexo Indho ayaa mar kale looga diidday inay ka heesto magaalada Hargeysa ee caasimadda Maamulka Soomaalilaan, iyadoo sidaan oo kale fanaanada hore loogu diidday magaalada Garoowe oo ay asal ahaan ka soo jeedo.

Waddaadada Alictisaamka ee magaalada Garoowe ayaa hore u diidday in fanaanadu ka heesto, iyagoo mid ka mid ah wadaaada Ictisaamka oo lagu magcaabo Daahir AwCabdi sheegay in heesaha iyo ciyaarahu yihiin gaalnimo cad cidii samaysana diinta dhinac martay.

Haddaba tallaabada wadaada Puntilaan mid la mid ah waxaa qaaday wadaado ku sugan magaalada Hargeysa oo garab ma helayaa maamulka Somaliland iyagoo fanaanada u diidau inay bandhig faneed ku qabato Hargeysa oo lagu tilmaami jiray Hooyada fanka Soomaaliyeed.

Dad badan ayaa la yaabbay sababta fanaanada loogu diidday inay Hargeysa ka heesto iyadoo magaalada habeen kasta xaflado heeso iyo caways lagu qabto, waxaa fanaanada si gaar ah loogu ugaarsaday waxay tahay.

Laakiin dadka badankood ayaa ku doodaya fanaanada heesaheeda oo ah kuwa dareen iyo jacayl xambaarsan in wadaadadu ku mucaaradin. Iyo iyadoo intaa badan lebiskeeda lagu haysto.
Sirqarsoon@gmail.com 

Advertisements

Reeb Fariin

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s