Gabar imtixaanka ku dhacday oo dhaawac is gaarsisay

​Nimco Jaamac Xasan, oo ah gabadh da’yar oo reer Ceerigaabo ah isla markaana ka mid ahayd ardaydii dugsiyada hoose dhexe ee Somaliland sanadkan u fadhiisatay imtixaanka shahaadiga ah ayaa Mindi dhuunta iskaga dhufay kaddib markii ay ku hadhay ama ay ku dhacday imtixaankaasi.

Nimco ayaa falkan ku dhaqaaqday maalinkii Axaddii ee shalay, kaddib markii waalidkeedu ay ku canaanteen natiijada ay ka keentay imtixaanaadkii dugsiyada Hoose Dhexe – sida uu ii sheegay Aabaheed Axmed Jaamac Xasan.
Sidoo kale, Nimco Aabaheed oo aan goordhaweyd la hadlay isagoo magaalada Ceerigaabo ku sugan ayaa waxa uu ii sheegay in haatan xaaladda gabadhiisu ay wanaagsantahay isla markaana ay hadda kasoo saareen Cisbitaalka oo markii ay dhaawaca is gaadhsiisay loola cararay.
Nimco Axmed Jaamac, ayaa waxa ay ka mid ahayd ardayda dugsiga hoose dhexe ee Imaamu Shaafici, magaalada Ceerigaabo.
Ugu dambeyntii, Warbaahinta qaar ayaa illaa shalay qoraysay warka Nimco iyagoo sheegayay in Nimco ay geeriyootay, balse Nimco Aabaheed ayaa warkaasi beeniyay – isagoona warbaahinta ka codsaday inay iska hubsadaan wararka noocan oo kale ah.
Khaalid Foodhaadhi

Sirqarsoon@gmail.com 

Reeb Fariin

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s