Alictisaam iyo Islaax, Cabdiweli Gaas iyo Itoobiya.

gaasKaddib markii u ku fashilmay hoggaanka maamul gobolleedka Puntland, Mushahar la’aan iyo beelahii oo badankood ka horyimid maamulka Horjooge Cabdiweli Gaas, Wuxuu go’aansaday inuu Isbahaysi siyaasadeed la galo ururada Alictisaam Iyo Islaax, isagoo u magcaabay golahii sare ee Maxkamadda maamul gobolleedka Puntland rag kooxaha ka tirsan, taasi oo laftigeedu u durba Cabdiweli kala kulmay dharbaxo culus dhinaca Itoobiya oo arrintaasi ka biyo diidsan madama ay ogsoon yihiin khatarta ka dhalan karta in kooxahaasi ay ka dhex muuqdaan maamulka Puntland.

 

Gaas ayaa u magcaabay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Yuusuf Xaaji Nuur oo ah seedigiis, waxaa u hore uga qaybqaatay dagaallo Puntland ka dhacay oo lagu hoobtay isagooba ahaa Maskaxdii ka dambeeysay dagaalkii 2001 Puntland ka dhacay. inkastuu Yuusuf ka mid ahayn labada dhinac haddana waa shaqsi xidhiidho wanaagsan la leh dhinac walba.

 

Guddoomiye ku xigeenka Maxkamadda sare ayaa lagu magcaaba Nuur Ciise Maxamad wuxuu ka soo jeeda beesha Ismaaciil Saleebaan ee Majeerteen waa nin xagjir ah oo ka tirsan ururka Alictisaam.

 

Siciid Cabdi Muumin waa xubin ka tirsan golaha maxkamadda sarre waana Alictisaam wuxuu hore u ahaa abuukate inkastoo la doonayay in Guddoomiye xiggeen laga dhigo balse Horjooge Gaas ayaa diidday. sidoo kale xubnaha waxaa ka mid ah Axmed-Haadi Adan Yuusuf oo Duulbahaante ah wuxuuna ka mid yahay Ururka Alislaax wuxuu hore macallin uga aha iskuulka Imaamu nawaawi ee magaalada Boosaaso.

 

 

Maxamad Cumar Axmed waa Tagfiir inkastuu Alictisaam sheegto wuxuu aaminsan yahay in dadka Puntland ku nool dhammaantood yihiin gaalo isagoo doonaya in la islaamiyo, waxaana u ka soo jeeda beesha Leelkase waxaa loo magcaabay Garsoore dadweyne

Sidoo kale Xassan Cabdi Cilmi waa Alictisaam isaguna waana nin aaminsan fikardo diimeed halis badan.

 

14018158_526053557580171_2035470718_nMagcaabida Raggan oo dhacday 15 bishan Agoosto iyo dowladda Itoobiya oo oogatay inqilaab raggani la damacsan yihiin maamulka taagta darran ee Cabdiweli Gaas ayaa sabab u noqotay inuu u ambabaxo magaalada Addis Ababa subaxnimo hore iyadoon dadkuba ogsoonayn 17 bisha.

 

Kooxda Alictisaam ayaa gacanta ku haysa dhaqaalaha Puntland, sidoo kale waxay awood ku leeyahiin waxbarashada iyo dadwaynaha oo ah iyagu kuwa taabacsan kooxdan warkeeda uuna haysta xadiis xagga sare ka yimid.

 

Cabdiweli Gaas ayaan haysan ciidan u baabac dhigi kara kooxdan haddii ay isku daydo inay xukunka kala wareegto iyadoo kooxdu sidoo kale saraakiil iyo ciidamo ku dhex leh maamulka xilligan ee Puntland.

 

Alictisaam ayaa maalmahan dambe masaajida Puntland ka woday olole ka dhan ah maamulka Horjooge Cabdiweli Gaas iyagoo ku eedeynayay inuu fisqi maalgelinayo, heesaha, jaadka iyo weliba daawashada aflaanta ayayna ku tilaamayeen kuwa xaaraan iyo gaalnimo ah, sidoo kale waxay sheegeen kooxdu inaan dowlad wax la dhaha ka jirin Puntland.

 

Itoobiya ayaa xidhiidh lagu sheego ka hortaga Argagaxisada iyo Ganacsiga jaadka la leh Puntland waxayna u aragta kooxdaasi mid halis gelin karta haddii ay la wareegto xukunka Puntland. 

Yusuf Ali Adan 

Sirqarsoon@gmail.com 

Reeb Fariin

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s