Siilaanyo Oo Tegey Laascanood Iyo Puntland Oo Cambaareeysay

ADHICAD-2-300x200Madaxweynaha Soomaalilaan Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa booqasho ku tegey magaalada Laascanood ee gobolka Sool, isagoo iclaamiyay 25 bisha Aktoober ee sannadkan shir nabaddeed oo beelaha Duulbaahante, Kaskii Qabe, Fiqi shini iyo Gabooye ay kula geli doonnan magaalada Adhicadeeye maamulka Soomaalilaan.

Booqashada Siilaanyo ee magaalada Laascanood ayaa waxaa sii kulul u cambaareyey maamulka Puntland iyagoo farriin u diray beesha caalamka iyo dowladda Soomaaliya kagana codsaday in ay ka joojiyaan Soomaalilaan faragelinta ay ku hayso gobolka Sool.

Puntland ayaa laga qabsaday tobban sanno ka hor magaalada Laascanood, waxaana ay ku doodan in dhulka sool ay deggan yihiin dad ay hayb qabiil waddaagan beesha Majeerteen ee Puntland.

Safarka Madaxweynaha Soomaalilaan ee gobolka Sool ayaa ku soo beegmaya iyadoo u dhowaan xilka wasiirka arrimaha gudaha u magcaabay nin ka soo jeeda gobolka oo lagu magcaabo Yasiin Xaaji Maxamuud Xiir ”Faratoon”.

Warsaxaafaddeedka Puntland ka soo baxay ee lagu cambaarayn tegitaanka Madaxweynaha Soomaalilaan ee magaalada ‪‎Laascanood‬.. ayaa u muuqda ”Aragtaye maxaad odhan. Ma ishaad wax kaga tari”.

 

Sirqarsoon@gmail.com

Reeb Fariin

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s