Jeneraal Maxamad Cali Samatar oo geeriyooday

​Inaalilaahi wa inaa ilayhi raajucuun geeridu waa xaq kuligeena waanu dhiman, waxaa geeriyooday halyeey waddani ah ninkii ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed ugu sareeyay dawladii Allaha u naxariistee Maxamad Siyaad Barre sarreeyo guud Maxamad Cali Samatar, waxuu ahaa nin taariikh mug leh ku leh kuna lahaan doono bulshada Soomaaliyeed.

Waxaanu ku xasuusan doonaa awoodii iyo haybadii uu u yeelay ciidankii Soomaaliya 

Jeneraalku wuxuu xalay ku geeriyooday isbitaal ku yaalla gobolka Virgina ee dalka Maraykanka isagoo da’iisu xilligan ahayd 85 sanno. 

Maxamad Cali Samatar ayaa ahaa ninka ugu derajada sarreeyay ciidamada Soomaaliya, wuxuuna soo noqday Madaxweyne ku xigeen, Ra’iisul Wasaare iyo Wasiirka gaashandhiga jamhuuriyaddii demqooradiga ahayd ee Soomaaliya, wuxuu ku dhashay sannadkii 1931-dii magaalada Yoontooy oo u dhow xurunta gobolka jubbada hoose ee Kismaayo, wuxuuna yaraantiisii ku barbaaray nolol miyi iyo magaalada u dhaxeysay oo u badneyd magaalooyinka Yoontooy, Goobweyn, Warkoy iyo Kismaayo. 

Aabihiis Shiikh Cali Samatar isaga waxa uu geeriyooday isaga oo 6 billood jira, waa madi waxaana la dhashay 2 gabdhood, hooyadii waxay ku geeriyootay horraantii sanadkii 1980-maadkii magaalada Muqdisho, halkaas oo lagu aasay. 
Allah ha u Naxariisto Jen. Maxamad Cali Samatar samir iyo iimaana allah ha ka siiyo qoyskiisi, qaraabada iyo Ummada Soomaaliyeed guud ahaan.

Yusuf Ali Adan

Sirqarsoon@gmail.com 

Advertisements

Reeb Fariin

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s