Wardegdeg ah: Qarax Ka Dhacay Gaalkacayo
Waxaa cabaar ka hor qarax weyn ka dhacay Aaga Xera dayax ee Magaalada Gaalkacayo dhinaca maamul gobolleedka Puntland, Qaraxa ayaa ahaa mid aad u xooggan oo laga maqlayay magaalada oo dhan.
Qaraxu wuxuu ahaa laba qarax oo is xiga mid waaraad buuxa ah ayuu ahaa midna nooho buuxda.
Marka hore Waaraadka ayaa qaraxdey markii dadkii gurmad uugu yimmaadeenna Noohada ayaa qarxay haddana.
illaa 29 ruux ayaa ku geeryooday weerarka halka 50 kale ku dhaawacmeen
Qaraxa ayaa ahaa mid lala beegsaday xurunta dowladda Hoose ee Waqooyiga Gaalkacayo. Ciidanka dowladda Soomaaliya iyo kuwa Puntland ayaa soo gaaray halkaas iyagoo baaritaano ka woda sidoo kalena warar ayaa leh waxaa halkaas ciidamadu ku toogteen rag Alshabaab ka tirsan.
Kooxda Argagaxisada Alshabaab ayaa hore u sheegtay inay ka aargoosan doonan maamul gobolleedka Puntland oo ay bishii Maarso ku dagaallameen deggaano ka tirsam gobollada Mudug iyo Nugaal.
iyadoo Puntland dil ku xukuntay illaa afartameeyo Alshabaab oo dhallinyaro da’yar oo dagaalka lagu soo qabtay u badnaa.
Sirqarsoon@gmail.com