Qaraxyada Waqooyiga Gaalkacayo, Galmudug, Puntland Iyo Alshabaab

wp-1471773776566.jpgKu xigeenka Horjoogaha Puntland Cabdixakiim Cameey oo Boocame kaga soo qaybgalay aaskii Garaad Cabdullahi Ciise Nuur isla markana halkaas kula soo kulmay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Soomaalilaan ayaa tegey Gaalkacayo si u halkaas ugula qaybgalo tacsida iyo booqasho dhaawacyada weerarkii argagaxiso ee magaalada shalay ka dhacay. Sidoo kale Cabdiweli Gaas oo Addis ababa uga qaybgalayay baroordiiq loo sameynayay afar sanno guuradii ka soo wareegtay geeridii Ra’iisul wasaarahii hore ee Itoobiya Meles Zenawi ayaa isaguna lagu woda inuu Gaalkacayo tago.

Gaas ayaa bishii hore kala diray maamulkii degmada isagoo u magcaabay maamul cusub isagoo ku eedeyey kuwii hore inay mas’uuliyadooda dayaceen kuna guul daraysteen ammaanka Waqooyiga gaalkacayo.

Dhinaca kale masuuliyiinta xilligan ee maamulka Puntland iyo kuwa hore xilalka looga cayriyay ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay qaraxii shalay iyagoo ku eedeyey maamulka Galmudug inuu qayb ka yahay ammaan xumida ka taagan Waqooyiga magaalada Gaalkacayo.

Dhowaan ayaa dowladda Soomaaliya ciidamo gaar ah u soo dirtay magaalada Gaalkacayo kuwaas oo la filayo inay la wareegan ammaanka Gaalkacayo iyagoo ka fuliyay hawlgalo dad lagu soo xirxiray Koonfurta Magaalada Gaalkacayo.

Gaas ayaa xilligan la filayaa inuu ku wareejiyo ammaanka guud ahaan magaalada Gaalkacayo Ciidanka dowladda Soomaaliya ee sida gaarka u tababaran.

Ciidamadii Puntland ayaa markii mushahar la’aan iyo dhaqaale xumo la soo deristay iyaga laftigoodu qayb ka noqday ammaan xumida ka taagan deggaanada Puntland, iyadoon shacabku isku halayn karin madama maamulku bixin waayay musharkii ciidanka.

Maamulka Puntland ayaa dhisna muddo 18 sanno ah waxaana illaa hadda mooda inuu weli yahay maamul hal sanno aan jirsan. ciidanka maamulka ayaana ah kuwa hadba qabiilka xukunka haysta keliya ku kooban, taasoo xilligan sabab u noqonaysa in ciidamo isku jir ah ammaanka Gaalkacayo guud ahaan la wareegan madama Koonfurta dadka degan aysan aamini karin Waqooyiga qoyska deggan oo muddo dheer dagaallo ka dhaxeeyeen.

Weerarkii argagaxiso ee shalay  Alshabaab Waqooyiga gaalkacayo ka gaysatay ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 30 ruux iyadoo 70 kalena ku dhaawacmeen. wuxuuna ahaa midkii argagaxisanimo ee ugu cusla ee magaalada ka dhaca.

Gaalkacayo ayaa ah magaalo labo maamul qabiileed ka dhisan yihiin iyadoo labada reer ee labada dhinac kala deggana yihiin kuwa colaado muddooyin dheer ah u dhaxeeyaan. taasina waa mida saamaxaysa in kooxda Alshabaab ka faa’iideystaan labada dhinacba.

 

Sirqarsoon@gmail.com

Advertisements

Reeb Fariin

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s