Xaalka Hadraawi maxaad ka ogtahay?

hadraawiWaqti yar ka hor waxaa aan booqannay Guriga Adeer Hadraawi, Waxa aan maqlayey ayaamahan inuu xanuusanayo laakiin sidan maan moodaynin. Waxaa xaalkiisa nooga warrantay Hooyo Hodan oo ah Xaaska Hadraawi iyada oo markaa noo sheegtay in uu yara jiifsadey.


Waxay nagu soo dhaweysay qolka fadhiga waananu fadhiisannay, intaa ka dib waxa ay nooga warrantay sida xaalkiisu yahay hadalladeedii waxa aan ka xasuustaa: Dadka sharafta iyo dadnimada aya ay isku qiimeeyaan ee haddii uu dadkiisii ka waayay waa nasiibkii, Halgankii uu umaddiisa u soo maray cid xasuusata intaana ku qiimaysa weli ma hayo, Dawlad iyo shacbi midna dan kama laha oo intii caafimaadkiisa qabay ayaa garabkiisa la joogay oo maanta cid dan kaleh ma jirto, Waxa aan labaatan cisho taagnaa Madaxtooyada cid ila hadashay daa e waa la i quudhsaday oo kolba dhinac la ii dhaafay, laba sanno daawo ayuu qaadanayey oo cid checking u ka caawisa wixii u kordhay iyo wax ka dhinmay ma hayno, Gaadhigiisii waa kaa halkaa ku jira oo Darewal u kaxeeya ayaan la nahay, Samsam (Wasiirka Maaliyadda Soomaalilaan” waan u tegay way ii ballan qaadday welina wa ay soo socotaa oo war kamaanu helin, Beryaan ku jeclaa ee kaa baxay ayay xaaladdiisu maraysaa, Nin Ummadeed buu ahaa ee nin qoys muu ahayn laakiin waa nasiibkii cid na soo weydiisa iyo xaalkiisa danaynaysaa ma jirto. Hebel markuu ahaa baa wax lagu falayay, Haddii la yidhaahdo maanta wuu dhintayna Wasiirradu lixda Subaxnimo ayay soo baxayaan, Geeridu waa xaq Xanuunku waa xaq laakiin daryeel la’aantaa dhib ah

Waa kii lahaa ayay tidhi:
Hadba geed is marisbaa U hadha guul dad leeyahay
Iyadoo taabanaysa inta derajadiisii la illaaway rag kale la caleemo saaro oo aan wax ay soo qabteen jirin.
Nasiib wanaag intii aananu Guriga ka soo ambabixin waa uu soo baxay waannanu la kulannay laakiin jawaabtayadii waxa ay noqotay ilmo iyo aaamusnaan!!


Abwaan Hadraawi Xasuustii ayaa ka guurtay waxna ma xasuusto. Alle ayaana u maqan!!.

 

Sidaas waxaa barta Facebook ku soo qoray 20 bishan Agoosto Prince Hamse Nanito 

 

…. Maxamed Ibraahin Warsame “Hadraawi” ayaa ka mid ah hal abuurada Soomaalida kuwooda ugu caansan, waxaana la soo sheegaya in xaaladiisa caafimaad tahay mid aad u liidata iyadoona xasuustu ka guurtay. Allah ha caafiyo Ayaan leennahay Soomaalay maanta ayuu idiinka baahan yahay gargaar iyo duco abwaanku.

 

Sirqarsoon@gmail.com

Advertisements

Reeb Fariin

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s