Kooxda Alshabaab Oo Sheegtay Weerarkii Gaalkacayo

Cali dheereAfhayeenka kooxda Argagaxisada ah ee Alshabaab‬ ayaa sheegay in weerarkii ‪‎Gaalkacayo‬ iyagu ka dambeeyeen, Cali Dheere ayaa sheegay inay weerarkasi ay ku dileen dad u ku sheegay Murtadiin gacmo gaalo ahaa..

Cali Dheere Afhayeenka Alshabaab ayaa sheegay inay burburiyeen daartii Ashahaado la dirirka Puntland‬ ee Waqooyiga Gaalkacayo iyagoo halkaas ku dilay siduu sheegay tiro u dhaxaysa 30 illaa 50 ciidamadooda ah intaas in ka badana dhaawacay.

Horjoogahan Afhayeenka u ah Alshabaab ayaa sheegay in halka ay beegsadeen ay ku urursanayeen kuwa u ku sheegay cadow oo uu ula jeedo ciidanka sirdoonka ee Puntland. wuxuu sheegay in ciidankaasi weerar ku yahay dadka Muslimiinta ee Soomaaliyeed isagoo sidoo kale sheegay in Puntland iyaga go’aanku dhinacooda yaallo oo ay kala dooran karaan  qarax  iyo dil ama inay kitaabka iyo sunnaha rasuulka raacan siduu hadalka u dhigay oo ay ku nabadgeli doonan.. hadalkan ayuu ku sheegay Argagaxiye Cali dheere waraysi u siiyay mid ka mid ah warbaahinta afka Argagaxisada Alshababa ku hadasha.

Weerarkii doraad Argagaxisada Alshabaab ku qaaday magaalada Gaalkacayo ayaa waxaa ku dhintay tiro badan oo ciidanka Puntland ka mid ahaa. iyo dhowr qof oo shacab ah wuxuuna ahaa weerarkii ugu xuma ee argagaxisanimo ee Gaalkacayo ka dhaca tiro intaas leeg oo dad ahna hal mar ku dhintaan.

Maaha markii ugu horreeysay ee Alshabaab weerar ku soo qaado deggaanada Puntland ama ummada Soomaaliyeed ee kooxdan ayaa ah kuwa caadaystay dhiiga shacabka, ciidanka, masuuliyiinta iyo waxgaradka Soomaaliyeed guud ahaan.

 

Sirqarsoon@gmail.com

 

Reeb Fariin

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s