Salaad Cali Jeelle Oo ka Digay In Qaab Musuqmaasuq lagu xulo Xildhibaanada Soomaaliya Ee Soo Socda.

salaad cali jeelleSiyaasiga Salaad Cali Jeelle oo ka mid ah Siyaasiyiinta Soomaaliyeed oo la hadlay Warbaahinta ayaa ugu baaqay beelaha Soomaaliyeed  in siyaasiyiinta u matalaya dowladda soo socota ay noqdaan kuwa dalka iyo dadka Samata bixin kara.

Salaad Cali Jeelle ayaa ka digay in qaab Musuqmaasuq ah lagu soo xulo Siyaasiyiintaas isagoona carabka ku adkeeyay in ay la yimaadaan Beelaha Soomaaliyeed dad matala oo tayo leh.

Waxaana uu intaas sii raaciyay in qaab ka duwan hanaankii 2012 la yimaadaan Beelaha Soomaaliyeed sia uu hadalka u dhigay.

Isagoo hadalkiisa sii wata Salaad Cali Jeelle ayaa waxa uu xusay in qaar ka tirsan Beelaha Soomaaliyeed Kuraastooda lacago qaali ah la kala iibsanayo waxaana uu carabaabay in Beelaha Soomaaliyeed qaarkood kuraastooda la kala siisanayo 500 kun illaa iyo hal Million oo dollar taas oo sida uu sheegay caqabad ku noqon karta in si sax ah wax loo soo xulo.

Shalay ayey ahayd markii waxgaradka iyo Siyaasiyiinta Beelaha Hawiye ay ku kulmeen Magaalada Muqdisho , iyagoona ka digay in fara galin lagu sameeyo soo xulista Xildhibaanada ay ku yeelanayaan dowladda soo socota.

 

Sirqarsoon@gmail.com

Reeb Fariin

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s