Wiil Siddeed jir soomaali ah oo ku geeriyooday Qarax Bam-gacmeed oo lagu weeraray Guri kuyaal Magaalada Göteborg ee Dalka Sweden

ddWaxaa habeenimadii axadda ee 22-kii bishu Ogosto uu Qarax loo adeegsaday Bam-gacmeed lagu weerarray Guri reer soomaali ah ka deganayeen xaafadda  Biskopsgården Magaalada Göteborg Caasmadda labaad ee Dalka Sweden.

Qaraxa bam-gacmeedka ee guriga lala beegsaday ayaa waxaa ku geeriyooday wiil somaali ah oo lagu magacaabijiray yuusuf warsame da’diisuna ahayd 8-sanno jir deggenaa Dalka ingiriiska oo ay qaraabo ahaayeen reerka oo uu booqasho kula joogay weerarka ayaa sidoo kale waxaa dhaawacyo fudud kasoo gareen labo haween ah oo iyaguna gudaha guriga kusugnaa.

Booliska oo isla habeenimadii qaraxu dhacay goobta soo garay ayaa wali kusugan waxaana afhayeen booliska Göteborg u hadlay uu sheegay inay baaritaano ku wadaan cidda ka dambaysay qaraxa bam ee guriga lagu tuuray, kaasi oo haleelay yuusuf warsame waxaana uu afhayeenku intaasi kudaray in adress ka guriga uu ku qornaa nin hore u galay dambiyo kaladuwan ayna tuhunsan yihihiin inuuxiriir ka dhaxayn karo dhacdadan.

Waxaa mudooyinkan dambe kusoo badanayey magaalooyin ay kamid tahay Götenborg falal lidi ku ah ammaanka ayadoo boolisku inta badan gacanta kusoo dhigaan kuwa ka dambeeya si caddaaladda loo horkeeno.

 

 

C. Sanka

Sirqarsoon@gmail.com

Advertisements

Reeb Fariin

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s