​Aabbe  yaan la aasin(Duugin) Mashruucbaa ku jiree!

Ducaale waa nin ku caanno maalay 25kii sanno hawlgalada  mashaariicda ururada aan dowliga ahayn ee NGOga.

Wax kasta oo dhaca  wuxuu rabaa inuu ka dhex abuurto Mashruuc uu maalmo dheefsado,  haddii dagaal dhaco waa u dheef,  haddii daad soo rogmado waa u dheef, haddii Abaari dhacdo waa u dheef, haddii xanuuno yimaadaan waa u dheef,  haddii  muran siyaasadeed dhaco waa u dheef.

Wuxuu ku noolyahay wixii umadda dhiba,  wuxuuna aad u bartey habka loogu dawarsado baahiyaha dadka  kale,  Ducaale  waa nin aan maalin qadin,  hadda  ducaale awal hore mashaariicda iyo meelaha laga tuugsado waa ka fogaayeen,  maantase  albaabka ayaa loo keenay oo waa u dhaw yihiin, maalin walba  xafiis hay’adeed iyo mid qaramada midoobey ayuu taagan yahay,  Boorso madoowna waa sitaa.
Ducaale ayaa goor habeennimo ah waxaa soo wacay  walaalkiis Diiriye oo ka yar,  waxaa dhintey  daqiiqado ka hor aabbihiis Ducaale  waa Oday Caraale,  Caraale waa da’ 90maad alle ayaa u doorey, nin magac iyo milge leh ayuu ahaa.
Diiriye yare  ayaa gacanta ku hayay,  wuxuu telefoon usoo direy  Ducaale, wuxuuna u sheegay in aabbe dhintey, dhammaan ehelkana lagu wargeliyo berina la aaso ama duugo.
Ducaale  in qof dhintey loo sheegay  ayuu maqlay,  waxaana halkaas uga soo baxday in mashruuc laga samayn karo, wuxuu markiiba ugu jawaabay,  Yaan la aasin beri,  waxaa halkaas ku jira mashruuc ballaashan, haddana waxaan diyaaarinayaa,  Habkii iyo hannaankii ayaa mashruuca ku hirgelin lahayn” Best  proposal ever”
Diiriye oo awal la yaaba habdhaqankiisa kana biyo diidsanayaa,  uuna ku dayacay haynta  aabbihiis iyo xannaanadiisa, ayaa haddana u qaadan waayey, ninka aabbihiis oo dhintay loo sheegay  ee  raba inuu mashruuc ka dayo.
Haddana  diiriye  ayaa is weydiiyey,   war heedheh Xafiisyada hay’aduhu ma dabbaalaa  wax walba haddii  wax lagaga cunayo?

Isagii ayaa isu jawaabay oo yidhi maya maaha  ee  dadkan ayay ugu talo galeen inay imaanka ka qaadaan sida walaalkay!
Diiriye wuxuu dukaan ku leeyahay suuqa,  wuxuuna  aabbihiis, Hooyadii iyo ubadkiisaba ku kafaallo qaaday  xoogiisa, weligiina  waxba kama raadin  cid kale, balse, Ducaale, dhib inuu dheefsado maahine weligii  wax kale ma cunin.
Ducaale oo mashruuca ka midho dhalintiisa ku maqan ayaa  Oday Caraale la aasay,  balse,  hawshii ducaale waxay noqotey,Mashruucii ugu xumaa ee uu la gola tago, sidaas ayaanu ku waayey Kalsoonidii  deeq bixinta iyo  caawimadii NGOgiisa.

Cabdiraxiin Hilowle Galayr

Reeb Fariin

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s