​Duqa Muqdisho oo gacanqaad iyo handadaadba kula kacay dhalintii ka badbaaday weerarkii maqaaxida Banadir Beach.

Taliska Hay’adda Nabad Suggida & Sirdoonka Qaranka (NISA) iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Yuusuf Xuseen Jimcaale (Boorsaani), ayaa ka carooday muuqaal video ahaa oo la duubay habeenkii Khamiista, ka dib markii la soo gaba gabeeyay weerarkii maqaaxida Banadir Beach ee Xeebta Liido.
Muuqaalkan, ayaa waxaa ka soo muuqday Taliyaha Hay’adda Nabad Suggida & Sirdoonka Qaranka (NISA), General C/laahi Gaafow Maxamuud iyo Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir, waxaana la arkaayay Gudoomiyaha oo u gacan-qaadaaya mid ka mid ah dadkii laga soo badbaadiyay weerarkaasi.
Gudoomiyaha Gobolka Banaadir, ayaa u muuqday mid ka carooday, markii dhalinyaradii laga soo badbaadiyay weerarka ay ka horyimaadeen in ay la hadlaan Saxaafadda, isla-markaana ay u mahadceliyaan laamaha ammaanka.
Duqa Muqdisho, ayaa wuxuu laamaha ammaanka uu weydiistay in gacanta lagu soo dhigo shakhsigii duubay muuqaalkaasi, isagoo u arka mid isaga lagu fadeexadeynaayay.
Sidoo kale Nabad Suggida, ayaa waxaa la leeyahay waxay ka careysan tahay in muuqaalkaasi la duubay, xilli aanay dadku fasax u haysan in ay wax duubaan. Warbaahinta Qaranka oo muuqaalo ka qaaday goobtaasi, ayaan soo bandhigin markii uu gacanqaadku dhacaayay.
Muuqaalkan oo Sabtidii si wayn ugu baahay barraha ay bulshada ku wada xiriirto, ayaa layaab geliyay shacabka Somaliyeed, waxayna wax isweydiinayaan dhaqan xumada Duqa Muqdisho.
Dadka, ayaa hadalhaaya in Duqa Muqdisho uu xadgudub iyo handadaadba kula kacay dhalin argagaxsan, maadaama ay dirqi uga badbaadeen weerarka mintidiinta Shabaabka.

Xassan Cadde 

Advertisements

Reeb Fariin

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s