​Qiso Cajiiba oo waliba ah midii igula yaabka iyo qosolka badneyn Nolosheyda !!

Waxay ahayd 15 Agoosto 2014 Habeen Jimce ah waxaan ku sugnaa xurunta shaqada, waxaa ii timid islaan magaceeda igu sheegtay Xaawo Shamis waxay ila aheyd 45 jir muuqaalkeeda waxay u muuqtay dadka Qurba joogta ah qof  ladana. 
Sheekada waxaay ku billaabatay

Iyada: Maamo waxaan rabay idiinkuna imid inaad i baafisaan ilana goobtaan Labo caruura oo aan dhalay, igana maqan kuna sugan cariga Maraykanka, taleefoonadii aan kala hadli jiray way iga dhulmeen.

Caruuntaasi waxaan u dhalay Madaxweynihii hore ee Maraykanka G. Bush marka waxaad igu caawisaan iguna xirtaa VOA qeybteeda Afka Soomaaliga; iyagan waxaan ka sii rabaa inay sii raadiyaan, duqa magaalada Washington ninkaasi kaliya ayaa ii sahli kara inaan carruurteyda la hadlo.
_ Runtii ma aysan laheyn muuqaal aad moodeyso iney tahay ruux dhiman ama dhimirka ka xanuunsan. hadaladdeedana mahayn kuwo dareen beena ku galin kara.
Aniga: Waxaan waydiyay sida ay igu caddeyn karto in caruurtaasi u dhalay Madaxweynihii hore ee dalka Maraykanku?
Iyada: Hooyo adiga inta aan kaa dalbay ii samee; adiga ayaa arki doona, annigu maahi qof sahlan Maraykanka iyo Sacuudigaba waxaan ku leyahay akoono lacago igu jiraan haddaan caruurteyda helana waxaan abaal marin ku siin doonnaa 2 Milyan oo doolar.
Aniga: Dhabtii indho ayaa iga soo haray iyo aamus mana beeneysan mana rumeysan, waxay ku hadlayso waxaan iri: Hagaag; bal ii sheega halka aan kala soo xiriirayo hawshan aniga ayaa qabanaya.
Kaddib ayay i tiri waa aniga ku leh lambarkeygii wuu iga dhumay waana midka ey iigu jireen lambarada caruurteyda ee waxaan ku sheegayaa Taleefon ay leedahay walaashey oo aan wada joogno hadda.
Aniga: Sidaas ayaan ku qortay lambarka walaasheed, waxaan soo galay xarunta shaqada oo waxaan markiiba garaacay lambarkii ay ii qortay waxaanna na dhexmaray Sheekadan.
Walaasheed: Halloooow
Aniga: Haa, walaal waa Maslah Muqtaar Daahir, waxaan ka soo wacayaa xarunta Idaacada Daljir ee magaalada Gaalkacyo.
WALAASHEED: Hee walaal maxaa jira?
Aniga: Walaale mar dhow ayaa waxaa ii timid maamo magaceeda igu sheegtay Xaawo Shamis dooneysana in loo baafiyo caruur ka maqan ma taqaanaa iyada?
Walaasheed: Haa Walaal, Waa Walaashey waa gabar xanuunsan oo madaxa looga jiro oo ka timid Sacuudiga sidaa ayay inta baafin dooneysaa, hadba waxay tiraahda caruur aan u dhalay Madaxweyne hebel ama Ra’iisul Wasaare hebel iyo Masuuliyiin dalal madax ka ah ayay tilmaanta.
Aniga: Waan qoslay dhabtii, waxaan iri maamada gacanta ku dhiga oo halaga warqabo dhabtii aniga marna kama dareemin iney xanuunsan tahay sababtoo ah waa qof ladan oo reer dibaddeed ah.
Walaasheed: Xanuun badan maahan oo xarig u baahan meesha ay rabto ayay aadaa wayna soo noqotaa waana qof cilmi leh aadna aragto muqaalkeeda sida uu yahay. Hadday rabto tan qur’aanka ayay tagta oo dhahda Shiikh Sudaysi oo Sucuudiga joogan ilmo u dhalay. 
 Kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk Kkkkkkkkkkkkkkk
W/Q

Maslah Mukhtaar Daahir.

Reeb Fariin

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s