Wararkii ugu dambeeyey ee Qaraxii Muqdisho

In ka badan 20 qof ayaa ku dhimatay tiro intaas ka badana wey ku dhaawacmeen qarax xooggan maanta lala beegsaday hotelka SYL ee magaalada Muqdisho oo kasoo horjeedaa xarunta madaxtooyada Soomaaliya.

Qaraxa ayaa loo adeegsaday baabuur walxaha qarxa laga soo buuxiyey oo derbiga hotelka lagu dhuftay.

Agaasimaha Baabuurta Gurmadka degdega ah ee magaalada Muqdisho Dr Cabdiqaadir Cabdiraxmaan Xaaji Aadam ayaa u xaqiijiyay VOA-da in ay qaadeen 22 qof ku dhintay qaraxa, oo lix ka mid ah ay ahaayeen dumar, iyo 30 qof oo kale oo dhaawacyo kala duwan soo gaareen.

Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmayba waxa la kala geeyay isbitaalada Dar-Al-Shifa iyo Madiina.

Agaasimaha isbitaalka Madiina Dr Maxamed Yuusuf ayaa sheegay in 28 qof oo dhaawacyo ah la soo gaarsiiyay isbitaalka, kuwaasi oo labo ka mid ah ay geeriyoodeen, halka lix kalena ay dib ugu laabteen guryahooda, iyadoo 20 kalena iminka lagu dabiibayay isbitaalka Madiina. 

Wasiirka Caafimaadka ee Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xaaji Cabdinuur ayaa sheegay in dhaawacyada gudaha dalka wax looga qaban Karin xaaladooda caafimaad ay gacan ka geysanayaan sidii caafimaad dibadda ah loogu qaadi lahaa, isagoo shacabka uga tacsiyadeeyay dadkii falkaasi ku dhintay.

“Wasaaradda caafimaadka waxa ay diyaar u tahay in dhaawacyada daran loo qaado dalka dibadiisa, shacabkana waxaan u sheegeynaa in aan garabkooda taaganahay, oo aan la qeybsaneyno xanuunka” ayuu yiri Wasiirka Caafimaadka.

Shirar kala duwan ayaa ka socday Hotel SYL ka markii weerarkaasi lala beegsaday, waxaana ku sugnaa masuuliyiin xukuumada iyo Baarlamaankaba ka tirsan oo qaar kood dhaawacyo fudud ay soo gaaren.

Waxaa dadkaasi mid ah Wasiirka Warfaafinta, Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, Wasiirka Dakadaha iyo Gaadiidka Badda, Nuur Faarax Xirsi, iyo Wasiiru dowlaha Gaashaandhigga Maxamed Cali Xaga oo xilliga qaraxa hotelka ku sugnaa.

Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Shiikh Maxamuud, Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari iyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa si wada jir ah u cambaareeyay qaraxii maanta ka dhacay inta u dhexeysa Ilinka Madaxtooyada Qaranka iyo Hotel SYL.

Madaxda Qaranka ayaa tacsi u diray Ummadda Soomaaliyeed iyo ehelada dadkii ku dhintay qaraxii maanta, waxaana inta ku dhaawacantay ay Alle uga baryeen in uu bogsiiyo.

Sirqarsoon + Warbaahinta Afka Soomaaliga.

Reeb Fariin

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s