Maraykanka Ayaa Liiska Argagaxisada ku daray Cabdiqaadir Muumin + Dhegeyso

muuminWaaxda Arrimaha Dibadda Maraykanka Liiska argagixisada ee sida gaarka ah loo callaameeyay ku dartay Hoggaamiyaha Argagaxisada Puntland Cabdiqaadir Muumin kaasoo dhowaan sheegay inuu ka baxay ururka Alshabaab uuna ku biiray kooxda la baxday dowladda Islaamka ee Daacish.

Amarka Madaxweyne Barack Obama ee tirsigiisu yahay 13224 ayaa dhigaya cunqabateyn lagu soo rogi karo shaqsiyaadka iyo kooxaha la go’aamiyay inay halis ku yihiin Maraykanka.

Cabdiqaadir Muumin ayaa madax u ah Koox dagaalyahano Soomaali ah oo bishii October ee sanadkii 2015 ku dhawaaqay inay ku biireen Daacish, kadib markii ay ka baxeen AlShabaab.

Waxaa uu horay ugh mid ahaa Saraakiisha Al-Shabaab ee ku sugnaa deegaanada Puntland, waxaana uu ahaa Daaci jeediya khudbadaha lagu soo jiidanayo dhalinyarada, isagoo cambaareyn jiray nidaamka Puntland.

 

Muumin ayaa lagu eedeeyay inuu ballaariyay unugiisa argagixiso isaga oo afduubtay wiilal da’yar oo da’dooda u dhaxeysa 10-15 sano jir, kuna qasbay inay ciidamo noqdaan.

Maraykanka ayaa horay liiska argagixisada ugu daray xubno ka tirsan Al-Shabaab, iyadoo madaxooda uu dul saaray lacag mallaayiin dollar.

 

Sirqarsoon+

Advertisements

Reeb Fariin

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s