Xaasaska Alshabaab Oo Amar lagu siiyay Inay Kismaayo ka baxaan.

Maamulka jubbaland ayaa ku amray xaasaska kooxda Argagaxisada ee Alshabaab inay isaga baxaan magaalada Kismaayo ee xarunta Maamulka Jubbaland.

Afhayeenka laamaha amniga ee maamulka Jubbaland, Axmed carab, oo maanta magaalada Kismaayo kula hadlay warbaahinta ayaa uga digay xaasaska AlShabaab inay isaga baxaan magaalada ka hor inta aan lagu qaadin hawlgallo lagu ugaarsanayo.

“Annaga iyo adinka heshiis ma nihin, col baa na dhexyaalla, dil baan naga dhexeeyo, inta raggiina ay duurka ku jiraan oo ay cadow ku yihiin Jubbaland naguma dhax jiraysaan ee intaan la idiin soo raadinin magaalada isaga baxa’

AlShabaab ayaa waxa ay ku sugan yihiin deegaanno ka tirsan Jubbaland oo ay ka soo agaasiman weerrarada ay ku qaadan magaalada Kismaayo.

Hawlgal ay sannadkii hore sameeyeen ciidammada Jubbaland ayay ku qabqabteen ku dhawaad 60 haween ah oo ay ku sheegeen in ay ahaaayeen xaasaska saraakiisha Argagaxisada inkastoo qaarkood la sheegin inay dib u soo laabteen magaalada.

Sirqarsoon@gmail.com

Advertisements

Reeb Fariin

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s