Ciidan dowladda Soomaaliya ka wadda tirsan oo isku rasaaseeyey Jowhar


Labo askari oo ka mid ah ciidamadda dowladda Soomaaliya ayaa ku dhintay iska hor imaad ciidanka dowladda ku dhexmaray magaalada Jowhar ee gobolka Shabeellaha dhexe.

Wararka ayaa sheegaya in israsaaseynta ay timid kaddib markii Ciidamo Boolis ah oo Nin ay ku soo qabteen waxyaabaha Maanka dooriya xiri raba ay soo weerareen Ilaalada Guddoomiyaha degmada Jowhar.

Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka Shabeelaha Dhexe Khaliif Cabdulle Carfaaye ayaa sheegay in dagaalka ay u sabab ahaayeen; Ciidamada ilaalada Guddoomiyaha Jowhar islamarkaana 2 Askari ee dhimatay ay ka tirsanaayeen ilaaladaasi.

Waxaana uu sheegay in Boolisku xaq u leeyihiin in cid kasta oo dambiile ah ay soo xiraan. Dhinaciisa Guddoomiyaha degmada Jowhar si aan wax uga weydiino dhacdadaan oo dhankooda in ay ka dambeeyeen lagu eedeeyay ayaan inoo suura galin.

Sirqarsoon@gmail.com

Reeb Fariin

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s