Saraakiisha PSF Oo Wax laga Weyddiinayo Duqeyn Ay Shalay gaysteen.

duqeyn1-1Saraakiisha ciidanka Maraykanka ee ku sugnaa garoonka diyaaraddaha ee magaalada Gaalkacayo ayaa looga wacay taliska ciidanka Maraykanku ku leeyahay magaalada Mogadishu, Madaxda ciidanka Maraykanka ee ku sugan Puntland ayaa su’aalo laga weyddiin doonna ciidammo ay sheegeen inay isagu jireen Alshabaab iyo Galmudug oo lagu duqeeyey deegaanka Jeexin, inkastoo Dowladda Galmudug sheegtay in ciidanka la duqeeyey ahaayeen kuwooda.

Madaxweynaha Galmudug Md. Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa ku eedeyey deriskooda Puntland inay been ka sheegeen ciidankooda, taasina aysan ka fileyn siduu hadalka u dhigay dad ay u arkaan Walaal iyo ehel Soomaaliyeed.

Md. Guuleed ayaa sidoo kale sheegay in la ogyahay lagana dheregsan yahay dagaalka Galmudug kula jirto Alshabaab taasoo uu sheegay inay Puntland iska indho tirayso.

Puntland ayaa dhowr jeer oo hore ku eedaysay Galmudug dilalka ka dhacaya magaalada Gaalkacayo inay gacan ku siiyeen kooxda Argagaxisada Alshabaab, qaybta Galmudug ee Gaalkacayona laga soo abaabulo weerarada Puntland kooxda Alshabaab ku qaado.

 

Sirqarsoon@gmail.com

Advertisements

Reeb Fariin

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s