Billowgii Tijaabada duqaynta Galgala illaa Jeexin.

duqeyn1-1Inkastoo hoggaanka ciidanka PSF yahay qaar aan wax amar ah ka qaadan maamul gobolleedka Puntland haddana ilko abeeso hoos ka xiriirsane saraakiisha ciidanka hoggaamisa waa qaraabada hoose ee Horjoogaha PL Cabdiwali Gaas, dabcan Soomaalina waxaan ku naqaan in shaqo walboo loo dirsada qabyaaladdu kala wayn tahay.

Faroole iyo Gaas oo ka faa’iideysan Maraykanka Saaxiibka la noqday jaasuusiinta ay tolka yihiin, waxay duqayn ba’an iyo xasuuq aan loo meel dayin u gaysteen shacabka Galgala iyagoo habeen kasta buuraha deegaanka beesha Warsengeli ku garaaca diyaaraddaha Maraykanka oo ay ugu sheekeeyan argagaxisada Alqaacida aya abuuraha ku dhumalaysan. Dad aan waxba galabsan hanti aad u fara badan ayay dhulka ku burburiyeen iyadoon cid ka hadashana aan la arag madama warbaahinta PL tahay mid gacanta beesha Majeerteen ee xukunka haysa ku jirta tahay.

70% dadka Puntland iyagoo ka xun hab dhaqanka maamul gobolleedka Puntland ayay haddana madaxa u ruxayan ficilladiisa qalafsan madama aysan awood u lahayn shacabku inay fikirkooda soo bandhigaan. Puntlana aan laga oggolayn banaanbax uu maamulka beesha ka taliya raalli ka ahayn.

Xilligan jawaasiistu waxay iyagoo isticmaalaya beentii shacabka buuraha Galgala lagu xasuuqi jiray mid la mid ah Maraykanka u adeegsadeen duqaynta ciidan ka tirsan kuwa maamul gobolleedka Galmudug. Inkastoo taasi dharbaxo xoog leh ay kala kulmeen, ummada Soomaaliyeed guud ahaan la yaabtay heerka cadaawada iyo dabadhilifnimo ee maamulka Puntland haddana shacabka deegaanka Waqooyi Bari ayaan isagu wax dareen ama falcelin ah ka samayn arrinta inkastoo qaar badan oo qurba joogtooda ahi baraha bulshada ku soo bandhigeen weedho hanjabaado, faan iyo jeesjees u badan looguna diģan ciidanka la xasuuqay.

#Jubbaland oo ahayd Saaxiibka iyo qaraabada Puntland ayaa iyagu iska fogeeyey jaajuusnimada Maamulka Horjooge Cabdiwali Gaas.

Shacabka gudaha Puntland ku sugan maanta amuus loogama baahna iyo cabsi, naftu waqtigeeda dhaafi mayso waa inay Walaalahood Soomaaliyeed u muujiyaan inay ka xun yihiin ficilka maamulkoodu samayn, haddii kale waxay noqon kuwa ka raalliya dembiyadda u gaysan, berrina iyaga ku soo laaban kara.

Puntland waa dawaco; Dawacaduna meeshay macal idood ku barato, ayay macaluul ugu bakhtidaa.

 

 

YusufCali@hotmail.com

Reeb Fariin

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s