Odayaasha Dhaqanka Gobolka Hiiraan Oo Dowladda Soomaaliya Ku Eedeyey Dilalka Gobolkaas Ka Socda.

Guddoomiyaha Odayaasha Dhaqanka Gobolka Hiiraan Dacar Xirsi Nuur oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Masuuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya ay ku lug leeyihiin dilalka ku soo noqnoqday Magaalada Beledweyne. 

Dacar ayaa sheegay in dilalka laga soo Agaasimo magaalada Muqdisho ayna soo agaasiman rag masuuliyiin ah oo ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Dilalka qorshaysan ee magaalada Beledweyne ayaa inta badan lagula kaca Odayaasha iyo waxgaradka gobolka Hiiraan, waxaana ugu dambeeyey dil shalay loo gaystay Mid ka mid ah Nabadoonada gobolkaas oo lagu dilay magaalada Beledweyne.

Dowladda Soomaaliya illaa hadda wax jawaab ah kama bixin arrinta, khilaafka dowladda iyo Waxgaradka gobolka Hiiraan ayaa muddooyinkan cirka isku shareeray iyadoo magaalada Jowharna u ka socdo shirka maamul u samaynta gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.


Sirqarsoon@gmail.com