​Macalin heysta Diinta Masiixiga oo Arday Muslimiin ah bara Qur’aanka

Macalin ka tirsan Qibdhiyiinta wadanka Masar ee heysta diinta Masiixiga ayaa dugsi ku yaalla tuulooyinka fog fog ee dalkaas waxaa uu wax ku baraa arday fara badan oo isugu jira Masiixiyiin iyo Muslimiin.

Ardayda masiixiga ah iyo kuwa muslimiinta ah ayuu sheegay inuu kala baro Bibelka iyo Qur’aanka kariimka ah taasoo uu sheegay inuu awood u leeyahay.

Macalinkan oo la yidhaahdo Ayaad ayaa sheegay inuu wax baro 120 caruur isugu jirta gabdho iyo wiilal, kuwaasoo uu xusay iney u qeybsan yihiin 40 masiixiyiin ah iyo 80 Muslimiin ah.

Macalin Ayaad ayaa waxa kale oo uu sheegay in Tuulada uu joogo ay caan ku tahay rabshadaha Diimeed isla markaana uu isku dayayo sidii uu iskuugu soo dhaweyn lahaa Muslimiinta iyo Masiixiyiinta.

Ayaad ayaa waxa kale oo uu xusay in inkastoo ardayda uu kala baro labo Kitaab haddana aanay ka muuqan wax kala qeybsanaan ah ayna yihiin kuwo isjecel.

Khaalid Foodhaadhi

Sirqarsoon@gmail.com

Advertisements

Reeb Fariin

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s