Siciid Maxamed Raage Oo Marakiib Jariifa Xil Wasaaraddeed Ku Helay

Horjoogaha Puntland Cabdiwali Gaas ayaa u magcaabay Siciid Maxamad Raage Wasiirka dekeddaha maamul gobolleedka Puntland, Siciid ayaa xilka ka beddelaya nin ay isku beel yihiin oo lagu magcaabo Cabdullaahi Jaamac Saalax.

Gaas ayaa xilkan u Magcaabay Siciid kaddib markii u keenay 15 Markab oo kuwa jariifka ah, kuwaaso lacago badan ku bixin doonna kalluumaysiga sharci darrada ah.

Ninka xilka loo magcaabay ayaa hore maamuladii Puntland ee kala duwana uga soo noqday Wasiirka Dekeddaha, waana shaqsi ku caanbaxay musuqmaasuqa, dilalka qorshaysan isagoo sidoo kale lug wayn ku laha  hawlaha Burcad badeeda Puntland.
Siciid Maxamed Raage ayaa xilka ka beddelaya Cabdullahi Jaamac oo Horjooge Cabdiwali Gaas ka diidday inuu hantida Ummada la boobo.
Maamulka Puntland ayaa dhowaanahan Wasiiro badan xilka uga tageen mushahar la’aan iyo nidaam xumada Horjooge Gaas, balse xilligan wuxuu u muuqda Horjoogaha Puntland nin helay rag la shaqaysan kara kuwaaso mushaharkooda iyagu keensan, waxaana la filaya inuu musuqmaasuqu gaaro heer u xargaha goosto.
Sirqarsoon@gmail.com 

Reeb Fariin

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s