​DHAXALKII SIYAAD BARRE

Dadkeenna keliya ma ahane, aadanaha ayaa u badan kuwo ay yartahay xasuustooda guud. Waxay aalaaba dadweynuhu si wadar ah u illoobaan xanuunkii hore ay u qabi jireen, iyagoo dareenkooda kusoo koobaya xanuunka maanta heysta. Tusaale ahaan, markaad qof jeclaato, waxaad illoobeysaa amaba shaki kaa gelayaa, in wixii jacayl hore kuusoo maray ay ahaayen jacayl dhab ah amase dhalanteed.

Waxaan hadalkeygan uga jeedaa inay in dhoweydba soo badanayeen dadweynaha “illoobay” amaba uu shakigu ka galay xaaladdii ay Soomaaliya ku sugneyd20-kii sano ee uu xukumayey hoggaamiyihii keli-taliska ahaa ee Maxammed Siyaad Barre (AUN). Taasna, sida aan hordhaca qoraalkan gaaban ku sheegayba waxaa  illowshahaa amaba u hilowgaas sababaya dhibaatadii dabada dheeraatay – welina socota – ee dib-usoo-celinta sharaftii iyo qiyamkii ay Soomaaliya ku lahayd dunida. 
Waxaa marag-ma-doonto ah inay xukuumaddi millateri ee Siyaad Barre ay qabatay waxyaabo horumar ah oo la taaban karo. Waa marka koowaade waxay Soomaaliya yeelatay awood millateri oo la taaban karo. Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed wuxuu ka mid ahaa kuwa safka hore kaga jira ciidammada dalalka Afrikaanka ah oo dhan. Tan kale, wuxuu kacaanku ku guuleystay inuu go’aamiyo farta loo adeegsan lahaa qoritaanka far-Soomaaliga, taasoo ahayd arrin ay ilaa boqol sano ku heshiin hoggaamiyeyaashii iyo qabaa’illadii Soomaaliyeed. Waxyaabaha guuldarrooyinkaas sababta u ahaa waxaa ka mid ahaa iyagoo isku af-garan waayey xuruufta ugu habboon ee loo dooran karo farta Soomaaliga. Qaar waxay aamminsanaayeen in la adeegsado farta Laatiinka een maanta adeegsanno. Qaar waxay aamminsanaayeen in farta Soomaaliga lagu qoro xuruufta Carabiga iyagoo diin ahaan u ekeysiinaya. Qaar kalana waxay aaminsanaayeen inaan sameysanno xuruuf cusub oo annaga noo gaar ah. 
Si kastaba, waxaa aakhirkii go’aankii kama dambeysta ahaa gaaray xukuumaddii kacaanka ee uu madaxda ka ahaa Maxamed Siyaad Barre, taasina waxay noqotay guul weyn oo usoo hoyatey shacabka Soomaaliyeed oo dhan. Ololihii farta Soomaliguna wuxuu Soomaaliya gaarsiiyey heer aad u sarreeya oo shacabkii Soomaaliyeed intooda badani ay awoodeen inay qorista iyo akhrinta afkooda hooyo.
Sidoo kale, aad ayaan ugu hambalyeynayaa siduu Kacaanku u horumariyey xuquuqda haweenka, mamnuucidda qabyaaladda, xorriyadda diinta iyo cibaadada iwm.
Laakiin waxaa loo baahan yahay in sidoo kale iyana la sheego khasaarihii uu dhaliyey kacaanku. Sidaan wada ognahayba, wuxuu Siyaad Barre dalka ka talinayey muddo 20 sano ah. Tobankii sano ee ugu dambeyseyna waxaa kacaanku yeeshay awood aan cidna la tartami karin. Wuxuu kacaanku mamnuucay xoriiyaddii uu muwaaddinku fikirkiisa ku kuujin lahaa. Waxaa xabsiyada loo taxaabay aabbayaal badan oo isku deyey inay fikirkooda dhiibtaan. Qaar badan ayaa loo xiray suugaan ay qoreen. Qaar kale ayaa loo xiray buugaag ay qoreen. Qaar kalana waaba loo dilay fikirkoodii ay dhiibteen. 
Arday faro badan oo dugsiyada sare kasoo qalin jebiyey waxay waayeen boos ay jaamacadda ka helaan. Xataa kuwii kasoo baxay baa qaarkood shaqo waayey. Waxaa la mamnuucay inuu muwaaddinku qaato baasaboorka uu xaqa u leeyahay, oo waxaa billaabatay in kacaanku go’aamiyo qofkii dalka ka bixi kara iyo kan kale. Waxaa la mamnuucay wargeysyada caalamka oo dhan. Waxaa la mamnuucay dhegeysashada idaacadaha qalaad. Haddaan si kooban u iraahdo, wuxuu dalkii noqdey xabsi aan lagu noolaan karin loogana bixi karin.
Sida taariikhda caalamka oo dhan ku xusan, shacab walba oo la cabburiyaa mar uun buu oodda goosta. Waana waxa ka dhacay Soomaaliya. Ujeeddada kacdoonkuna wuxuu ahaa mid xaq ah oo ku saleysnaa doonista shacabka Soomaaliyeed oo dhan. Waxaase ayaandarro noqotay, in isla odayaashii, saraakiishii ciidan iyo ugaasyadii la shaqeynayey ay haddana mar kale af-duubaan kacdoonkii wanaag-doonka ahaa ee shacabka Soomaaliyeed. Isla odayaashii ayaa ilaa hadda u talinaya qabiil walba oo Soomaaliyeed. Isla saraakiishii dembiilayaasha ahaa ayaa weli hor boodaya qabiil walba oo Soomaaliyeed. Culumadiina waxay wacdigooda kusoo koobeen dhaqanka dumarka iyo sidii loo xakameyn lahaa.
Waxaa ayaandarro ah, in maanta dib loogu xiiso xukunkii keli-taliska ahaa Maxamed Siyaad Barre. Balse lama yaabayo oo intayada nool maanta waxaan kusoo garaadsannay xilligii Kacaanka oo siyaasad shaqo kuma aynaan lahayn. Odayaashuna ewelba waxay qeyb ka ahaayeen dhibkii shacabku ka dhiidhiyey. Marka yeynaan Eebbe ka baryin Siyaad Barre oo kale, balse aan Eebbe ka barinno mid dhammaantood noo dhaama. Mid aan iska dhaadhicin inuu keligii dalka ka taliyo weligiis. Mid aan dadka kala soocin oo aan xorriyadda ka qaadin. Mid aan miisaaniyadda dalka ku wada shubin millateriga. Aaamiiin!
W/Q Ina Dalmar

Advertisements

Reeb Fariin

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s