Alshabaab Oo Caawa Muqdisho Ku Dilay Sargaal Ciidanka Dowladda Ka Tirsana.

Kooxo hubeysan oo ka tirsana Argagaxisada Alshabaab ayaa Caawa Sargaal ka tirsanaa Ciidamada nabad sugida Dowladda Federaalka Soomaaliya waxey ku Dileen Degmada Waabari ee Magaalada Muqdisho. Kooxdan Argagaxiso oo ku hubeysnaa bistoolado ayaa toogtay Sargaalkaasi oo lagu magacaabi jiray Cabdicasiis Caraaye, xili uu ku sugnaa Degmada Waabari ee Gobolka Banaadir.

Kooxdii ka dambeeysay dilka ayaa durbaba goobta isaga baxsaday.

Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya oo goobta gaaray ayaa bilaabay howlgallo baaritaano ah, AlShabaab ayaa sidii cadaada ahayd sheegatay mas’uuliyadda dilkaasi. 

Ilaa iyo hada majiro wax hadal ah oo ka soo baxay Maamulka Degmada Waabari iyo Saraakiisha Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku aadan Dilka Sargaalkaasi oo Caawa ka dhacay Degmada Waabari ee Magaalada Muqdisho.

Advertisements

Reeb Fariin

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s