Joon Yaardi Oo Lagu Wareejiyay Dhismaha Waddaada Garoowe Illaa Gaalkacayo.

Waddaada isku xirta Garoowe iyo Gaalkacayo ayaa lacag dhowr Milyan oo dollar ah waxaa ku bixiyay mashruuca dhismaheeda dad shacab ah iyo hay’addo shisheeye, waxaana lagu woday in la billaabo dhismaha waddaadaasi oo burbur xooggani ka muuqdo.

Qandaraaska ayaa la filayay inuu noqdo mid lagu tartamo isla markaana shirkad dhismaha ka soo bixi karta la siiyo, laakiin Horjooge Cabdiwali Gaas ayaa u weeciyay nin ay qaraabo hoose yihiin oo lagu magcaabo Joon Yaardi.
Gaas ayaa ku amray madaxa qandaraasyada Maamul gobolleedka Puntland Maxamuud Cabdinuur inuu Joon Yaardi siiyo mashruuca dayactirka waddaada laamiga ah ee isku xirta Gaalkacayo iyo Garoowe.
Joon Yaardi iyo shirkada u madaxda ka yahay ahaa ah kuwa keliya inay wax cunnaan maahee aan bulshadu marna ka sugayn waxqabad, waan shaqsi ku caanbaxay musuqmaasuqa mashaariicda NGO-yadu bixiyaan.
Horjoogaha Puntland Cabdiwali Gaas ayaa tan iyo marku xukunka la wareegay rag ay beel waddaagan ku wareejinayay mashaariic lacago badan lagu musuqmaasuqayo isagoona madax uga dhigay xafiisyada dhaqaalaha ummada ka dhaxeeya yaallin sidoo kalena u magcaabayay xilal kala duwan oo mid kasta hanti ummaddeeda lagu boobayo.
Illaa hadda ma jiro waxqabad haba yaraade Horjooge Gaas ummada Puntland u qabtay muddaadu xilka hayay, maamulkiisuna inuu ka darnaado kuwii hore u jiray maahee kama roonnaan. Musuqmaasuqa, eexda iyo qabyaaladduna xilligan deegaannada maamulka Puntland waxay ka joogta meel aysan hore uga gaarin.
Yusuf Ali Adan

Yusufcali@hotmail.com 

Advertisements

Reeb Fariin

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s