Daacish Oo Qabsatay Degmada Qandala

Kooxda Argagixisada Daacish ee ka hawlgasha deegaannada Puntland oo u hoggaamiyo Cabdiqaadir Muumin ayaa qabsatay degmada Qandala ee gobolka Bari. Iyadoo sidoo kale hore u haysatay magaalada Baargaal ee isla gobolka.

Xildhibaan Maxamed Xuseen Afaraale oo ka mid ah Mudanayaasha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo u warramayay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay ka bixitaanka Ciidamada Ethiopia ee Gobolka Bakool.

Mudane Afaraale ayaa sheegay in Ciidamada Ethiopia ay si lama filaan ah uga baxeen Gobolka Bakol maadaama aysam war gelinin maamulka iyo Saraakiisha Ciidamada Gobolkaasi Bakoo;.

Waxaana uu tallaabadaasi sheegay in ay tahay mid sababtay dayacaad Amni maadaama markii hore Ciidamada Ethiopia iyagu ay ka codsadeen dowladda Soomaaliya in ay kala shaqeynayaan Ammaanka loona xil saaray Nabad gelyada deegaanada qaar ee dalka.

Dhinaca kale waxa uu sheegay Xildhibaan Maxamed Xuseen Afaraale in ay ugu wacantahay in mar weliba ay ka baxaan gacan ku heynta dowladda deegaanada Gobollada dalka Ciidamada dowladda oo aan tayo  lahayn waxaan uu hoosta ka xariiqay in waxkasta oo Ciidamada Soomaaliyeed loogu tala galay ay u soo maraan kuwa AMISOM.

Sidaas daraadeed ayuu cod dheer ku sheegay in Ciidaamda dowladda aysan awood u lahayn in ay difaacaan deegaanada marka ay ka baxaan kuwa AMISOM waxaana uu shaaca ka qaaday in haatan dowladdu go’aansatay  in Ciidamada Soomaaliyeed la tayeeyo islamarkaana wixii haatan ka dambeeyo ay Ciidamada dowladda iyo kuwa maamul Goboleedyada oo iskaashanaya ay hantaan Ammaanka deegaanada iyo degmooyinka Gobollada dalka.

Ciidamada Ethiopia ayaa indhawaanahaan isaga baxayay qaar ka mid ah deegaanno iyo degmooyin dhaca Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya iyadoona dowladda Ethiopia ka bixitaankeeda goobahaas ku micneysay kadib markii ay wax taageero ah ka waayeen Beesha Caalamka.

ayaa deegaanno badan oo  gobolka Bari ah hore u haysatay iyagoon la kulmin wax iska caabin ah.

Cabdiqaadir muumin oo ah Horjoogaha kooxda hoggaamiya ayaa la filayaa inuu maanta la hadlo shacabiga magaalada Qandala, halkaasoo u asal ahaan ka soo jeedo laftigiisu.

Kooxda Daacish ayaa iyagu ka go’ay Alshabaab oo hore u haystay tuulada Galgala oo ka tirsan degmada Boosaaso.
Maamulka Puntland ayaa u muuqda mid ku guul daraystay difaaca deegaannada ka dheer laamiga, isagoo sidoo kale dagaal kaga socdo magaalada Gaalkacayo ee gobolka Mudug. Ciidanka ayaa iyaguna Mushahar la’aan haysata.
Sirqarsoon@gmail.com 

Reeb Fariin

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s