Xildhibaan Sheegay inaan Ciidanka Soomaaliya Tayo lahayn Haddii Kuwa Amisom Baxaan

Xildhibaan Maxamed Xuseen Afaraale oo ka mid ah Mudanayaasha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadlay ka bixitaanka Ciidamada Itoobiya ee Gobolka Bakool.

Afaraale ayaa sheegay in Ciidamada Itoobiya ay si lama filaan ah uga baxeen Gobolka Bakol maadaama aysam war gelinin maamulka iyo Saraakiisha Ciidamada Gobolkaasi Bakool.

Waxaana uu tallaabadaasi sheegay in ay tahay mid sababtay dayacaad Amni maadaama markii hore Ciidamada Itoobiya iyagu ay ka codsadeen dowladda Soomaaliya in ay kala shaqeynayaan Ammaanka loona xil saaray Nabad gelyada deegaanada qaar ee dalka.

Dhinaca kale waxa uu sheegay Xildhibaan Maxamed Xuseen Afaraale in ay ugu wacantahay in mar weliba ay ka baxaan gacan ku heynta dowladda deegaanada Gobollada dalka Ciidamada dowladda oo aan tayo  lahayn waxaan uu hoosta ka xariiqay in waxkasta oo Ciidamada Soomaaliyeed loogu tala galay ay u soo maraan kuwa AMISOM.

Sidaas daraadeed ayuu cod dheer ku sheegay in Ciidaamda dowladda aysan awood u lahayn in ay difaacaan deegaanada marka ay ka baxaan kuwa AMISOM waxaana uu shaaca ka qaaday in haatan dowladdu go’aansatay  in Ciidamada Soomaaliyeed la tayeeyo islamarkaana wixii haatan ka dambeeyo ay Ciidamada dowladda iyo kuwa maamul Goboleedyada oo iskaashanaya ay hantaan Ammaanka deegaanada iyo degmooyinka Gobollada dalka.

Ciidamada Itoobiya ayaa indhawaanahaan isaga baxayay qaar ka mid ah deegaanno iyo degmooyin dhaca Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya iyadoona dowladda Itoobiya ka bixitaankeeda goobahaas ku micneysay kadib markii ay wax taageero ah ka waayeen Beesha Caalamka.

Reeb Fariin

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s