Galmudug iyo Puntland Oo Dagaallamay Kaddib Dagaalkii Heshiiskii Imaaratka Ay Ku Gaareen.

Xilli  shalay mar kale uu dagaal ku dhexmaray Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug maamullada Puntland iyo Galmudug waxaa arrintaas ka hadlay islamarkaana Shir Jara’id ka qabtay Masuuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug.

Wasiir Kaluumaysiga iyo khayraadka badda Xasan Maxamed Warsame Gurey oo Saxaafadda kula hadlay Magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay in weerarkaan oo Madaafiic ku bilowday uu yimid kadib markii Ciidamada maamulka Puntland ay soo weerareen kuwa Galmududug xilli Heshiis labada maamul ay wada gaareen.

“ waxaan u maleyneynaa in ay ka xun yihiin Heshiiska u dhexeeyay maamullada Puntland iyo Galmudug Ciidamada na soo weeraray” ayuu yiri Wasiirku.

Dhanka kale Gudoomiyaha Waqooyiga Mudug ee Puntland, Xasan Khaliif Maxamed, ayaa waxaa uu Ciidamada Galmudug uu ku eedeeyay in ay iyagu soo qaadeen weerarka, sidaana uu dagaalku ku qarxay.

Gudoomiyaha, ayaa ku waramaya in dagaalku uu socday in ka badan laba saacadood, isagoo intaa ku daray in dagaalku ku soo beegmayo, iyadoo sida uu sheegay ay maalmahaanba ka shaqaynayeen nabadda.

Dhaleeceynta labada maamul ayaa ku soo beegmeysa xilli labada maamul ay heshiis Horudhac ah ku wada gaareen dalka isu Tagga Imaaraatka Carabta.

Reeb Fariin

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s