Kismaayo Qarax Xooggan ayaa ka dhacay

Qaraxan oo ahaa miinada dhulka lagu aaso, kana dhashay khasaaro ayaa waxuu ka dhacay Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose.

Ugu yaraan 5 Ruux oo Shacab iyo Askar isugu jira ayaa dhaawac uu ka soo garay Qaraxan oo ka dhacay maqaaxi ka soo horjeeda Xarun Maamulka Jubaland uu ku leeyahay halkaasi.

Goobjooge la hadlay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa waxuu sheegay in dhaawaca ka dhashay Qaraxaasi loo qaaday isbitaal, si halkaasi loogu soo dabiibo.

Waxaa sidoo kale uu intaasi ku daray in Ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka Jubaland ay goobta soo gaareen islamarkaana ay bilaabeen hawgallo amaanka lagu xaqiijinayo.

Ilaa iyo hada ma jirto cid sheegatay mas’uuliyada Qaraxaasi, balse Al Shabaab ayaa inta badan dhabarka u rita Mas’uuliyada weerarada u badan qaraxyada oo ka dhacay qeybo ka mid ah Dalka Soomaaliya.

Reeb Fariin

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s