Xaglatoosiye Oo Warbaahinta Ka Mamnuucay Xayasiiska rugaha Caafimaadka

​Wasiirka caafimaadka maamulka Somaliland, Saleebaan Ciise Axmed [Xaglo-Toosiye] ayaa amar ka soo Saaray in aan Warbaahinta laga sii deyn Xayeysiis Caafimaad oo aan Rusqad ka haysan Wasaaradda Caafimaadka.

Wasiirku waxa uu tilmaamay in xayeysiinta caafimaadku ay waxyeelo badan ku hayaan dadkeena iyo dalkeena oo lacago badan lagaga furtay xayeysiis caafimaad oo ay sameeyeen dad aan ehel u ahayn caafimaadka.
“Joojinta xayeysiinta caafimaad ee ka baxa telefishanadda, jaraa’iidadda, idaacadaha iyo fariimaha telefoonadda in la joojiyo haddii aanu xayeysiintaasi rusqad ka haysan wasaarada caafimaadka”ayuu yidhi wasiirka Caafimaadka Saleebaan Xaglo Toosiye.
Adduunyada ayaa inteeda badan waxa ka mamnuuc ah in la xayeysiiyo caafimaadka, balse Somaliland caan bay ku tahay inuu qof kasta uu xayeysiiyo dawooyin iyo goobo caafimaad oo cusub, waxaana dadka ay uga dhigaan inay tahay meesha kaliya ee ugu fiican xarumaha caafimaad wadanka.

Reeb Fariin

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s