​Wareysiga Murashixiinta.

Wariye Miigane oo wareysi kooban ka qaaday lix ka mid ah murashaxiinta u tartamaysa  jagada Madaxweynenimada   dalka Soomaaliya ee 2016ka.

Wuxuu ugu horreyn weydiiyey   Murashax  Jibriil Ibraahim Cabdulle oo ah in muddo ah hay’addo shisheeye u qaabilsanaa arrimaha Soomaaliya, 
Wariye Miigane: Mudane Jibriil  waxaad goob joog ka ahayd  doorashadii  dhacday sanadkii 2012ka  markaas hammiga  qabashada xilka madaxweynaha maku jirey?
Murashax Jibriil: Maya  iguma jirin markaas waxaan waday  Saaxiibkay nin ahaa oo aan isku fiicnayn, waa  Madaxweyneha xilkiisu dhammaaday,  waxaa jirey is afgaradyo badan oo  aanu lahayn,  mana suuroobin, sidii aan rabayna waxba uma qabanin.
Wariye Miigane: Maxaa hadda kugu kelifay inaad  isu sharaxdo xilka ugu sarreeya dalka ee Madaxweynenimo?
Murashax Jibriil:  Dad badan ayaa iga codsaday iina soo jeediyey inaan xilkaas qabto, bulshada caalamkuna aad bay ii jecel yihiin oo waa igula taliyeen, markaas haddiiba layla wada rabo ma anigaa isu diidaya.
Wariye miigane ayaa cod baahiyaha u wareejiyey Murashax  Cabdiqaadir Cali Cosoble.
Wariye Miigane: Mudane Cosoble hore waad isu sharaxday  kuma ana aadan guuleysan, haddana mar labaad ayaad isu soo sharaxday  xilka madaxnimada maxaa is bedelay?
Cosoble: Shalay  waxaan helay  32 cod,  ninkii aan codakaygii oodhan  siiyey kuna soo baxay, ayaa iiga baxay balamihii aan wada galnay,  marka maxaaba lay ballamin aniguba maan dadka balaminayo sanadkan.
Wariye Miigane. Mudane ujeedkaagu ugu weyni markaas waa uun ballamo qandaraas qaadasho iyo bixintiis  ee maaha  wax kale sidaan u fahmay.
Cosoble: Dowladda oodhan ayaa ah qandaraas ee miyaadan sidaa ula socon.
Wariye Miigane ayaa Codbaahiyaha u wareejiyey  Cali Maxamed Geedi.
Wariye Miigane: Mudane Geedi  waxaad  soo noqotey RW dowladdi Imbaghati, waxaana lagu eedeeya nin godob badan ay  dadweynaah Bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya ka tirsanayaan,  markay arkaan adiga oo taagan Tvyada waxaa uga dhex muuqanayaa, dadkoodii aad xasuuqday iyo guryahoodii aad dumisay, ilaa haddana  kama aadan bixin raali gelin, Halka Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Soomaali oodhan Cafis  weydiistay, iyadoo eedahaasi jiraan suurtagal ma tahay inay ku doortaan.

Geedi: Haa  waa suurtagal, waayo Cabdullaahi Yuusufba isagoo la ogyahay lana yaqaan ayaa la doortey,   anigu  cid aan diley ma jirto, dowladda maanta dhisananiga ayaa  keenay markeedi hore, haddana  la taliye sare ayaan u ahay,  saw maad arag sidana maalin walba Madaxweyaha safaradiisa usoo dhaweeyo, dadkaad sheegtayna amxaaraa laysay,  amxaaro magdhaw ha weydiistaan. Anigu sidaan dowladda maanta dhisan u keenay ayaa mid ka sii wanaagsan u wadaa maantana, Cafisna cidna weydiisan maayo waayo nin cabsanaya  ayaa cafis dalbada.
Wariye Miigane ayaa u wareejiyey  codbaahiyaha  Mudane Maxamed Cali Ameerika.
Wariye Miigane: Mudane Safiir  Cali Ameeriko,  waqtiaad ahayd safiirka waddanka deriskeena ah, waxaana lagaaga caban jirey wax is  daba marin iyo  shaqo xumo dhinaca agaasimka maamulka ah iyo hawlo kale, sidee suuragal u tahay  dadkii cabashooyinkaa qabay inay  kuu doortaan maanta xilka ugu sarreeya dalka?
Murashax Cali Ameerika:  Horta Soomaalida haddii jannada la geeyo waa cabanaysaa, ninka  aniga iga cawday  waa nin  xaasid ah.Aniga shaqadaydii aan sagaalka sanno hayay waa layga qaaday midii lay balan qaadayna layma siinin, sidaa awgeed saaxiibadayda oo dhan iyo maamullada dalka ka jira  ayaa igula taliyey inaan hoggaanka dalka qabto oo istaahilo, haddana waxaan gacanta ku haystaa  30% codka baarlamaanka.
Wariye Miigane: Sidee ku heshay 30% codka baarlamaanka cusub ma hore ayaad heshiis ula gashay mise hadda ayay kuu suuragashay?
Murashax Cali Ameerika: Maya ee codka gabdhaha oodhan aniga ayaa iska leh,  maxaa yeelay  dhammaantood waa isku fiicanahay, mid aanan Nayroobi ama Muqdisho ku soo dhaweyn ma jirto, mid aan FACEBOOK iigu jirana ma jirto,  aniga  ciyaalka xaafadda ayaan ahay, Kaduudiye alle haygu rido  qabiil wax maku raadinayo.
Miigane oo qoslaya  welina sii eegaya Mudane Cali  Ameerika ayaa  wuxuu u wareejiyey codbaahiyaha Mudane  Shariif Sheekh Axmed Madaxweynihii hore  ee DKM.
Miigane: Mudane  Shariif  waxaad dalka hoggaaminaysay Muddo Afar sanno iyo dheeraad, waad tartantey  sanadkii 2012ka waana lagaa guuleystay, waadna aqbashay  guuldaradii adigoo ammaan badan ku muteystay, maxaa is bedelay  oo sababay inaad mar labaad soo noqoto keenay?
Murashax Shariif:  Sidaas la socoto waxaan madaxnimada qabtay anigoo da’ yar  anigoo weli 40aad ku jirana markii  doorashada layga guuleystey ilaa haddana shaqo kale ma helin mana qaban, marka waxaan u arkay MADAXWEYNENIMADU inay tahay  shaqada qudha  ee aan qaban karo, sidaa awgeed ayaan mar labaad ugu soo laabtey, Ileeyn Macalina ma noqon karo, Tagsiilena ma noqon karo Qurbahana shaqo kale ma taal, wax madaxweyne ka yar ma noqon karo.
Wariye Miigane oo u garaabay Madaxweynihii hore ayaa ku yiri Nasiib wanaagsan mudane, wuxuu codbaahiya u dhiibey  Mudane Xasan sheikh.
Miigane:  Mudane Madaxweyne  waxaa xilka u taagan in ka badan 40 murashax oo caan ah, adiguna waad isa soo sharaxda mar labaad maxay ku kala duwan yihiin is sharaxaadaada iyo is sharaxaada Masuuliyiinta kale?
Murashax Xasan sheikh: Waxaa jirta  qabyo badan oo aan  ogahay  dhameystirkeeda sidaana aanan uga tegi Karin?
Miigane: Mudane Madaxweyne  waxaa dadweynuhu isla dhexmarayaan in  qabyada aad sheegaysa tahay  mid adiga kuu gaar maxaa ka jira arrinkaas?
Murashax Xasan Sheekh: Maya Maya maya, een een  Qabyadu waa hawlaha dowladda iyo  arrimaha aan soo wadnay ee maaha mid ii gaar ah,  sidaa awgeed  annaga uunbaa dhammeystiri karna, ogna halka laga abbaarayo, dadka waxay dhahaana dulqaad ayaan u lahayn Afartii sanno haddana waa u lahaan doonaa.
Miigane: Mudane Madaxweyne Afar sanno wax aad  qabyo tiri kari weyday miyaad  leedahay  hadda inaad qabyo tiro ayaan rabaa, Markii hore ma hagar baa jirtey, taasise saw maaha “ Waan socon weynee aan orodno”
Murashax Xasan: KKkkkkk ayaa qosol u dhacay, maya maya haddaad socon weydo maaha inaad quusato  xitaa waa la ordi karaa haddaad niyad wanaagsan haysid aadba afka u dhacdide.
Wariye miigane ayaa si guud u weydiiyey: Ma laga yaabaa inaad isu tanaasushaan?

Dhammaantood madaxa ayay ruxeen taasoo ka dhignayd MAYA MAYA.
Wareysigan waxaa qaaday  Wariyaha madaxa bannaan ee Miigane   halkaas nagala socotaa  Waa Radyoow Ku cadde,  wixii dambe ee soo kordha kala soco mawjadaha Gudban iyo kuwa  dadban.
Mahadsanidiin
Cabdiraxiin Hilowle Galayr

Advertisements

Reeb Fariin

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s