Dowladda Maraykan oo Muwaadiintiisa uga digay Ku lug yeelashada Musuq-Maasuqa Doorashada Soomaaliya.

Dowlada Maraykanka ayaa uga digtay muwaadiniinta Somalida ee haysta dhalashada Maraykanka ah ee ka qeybgalaysa doorashooyinka dalka Soomaaliya inay ku lug yeeshaan musuqmaasuq.

Qoraal la soo dhigay barta twitter-ka ee safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in sharciga Mareykanka uu dhigayo in muwaadiniinta Mareykanka dibadaha jooga la lala tiigsan karo sharciga Mareykanka haddii ay ku lug yeeshaan musuqmaasuq baahsan.

Waxaa jira shakhsiyaad dhowr ah oo haysta dhalashada Maraykanka, balse asalkoodu yahay Soomaali oo u tartamay labada aqal ee baarlamanaka Soomaaliya iyo weliba musharixiin kale oo ka qeybgaleysa doorashada Madaxweynaha dalka Soomaaliya.

Beesha caalamka yaa horay u sheegtay inuu jira walaac laga qabo in hanaanka doorashada ee Soomaaliya ay siyaasiyiinta ku hayaan fargelin.

Qaramada Midoobay ayaa mar sii horreysay niyad jab ka muujisay dib u dhaca doorashoyinka madaxtooyada iyo baarlamaanka ee Soomaaliya , waxase ay sheegtay in ay rajaynayso in doorashada madaxtinnimadu ay u dhici doonto si “habsan oo hufan”.

Waxaa shalay la dhaariyay 283 xildhibaan oo isugu jira labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya , waxaana lagu wadaa inay muddo u qabtaan doorashada madaxweynaha oo dhowr jeer dib loo dhigay.

Reeb Fariin

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s