​Jacayl awgiis ayaa loo dayriyey !

Gabar ardayad ah oo Mareykan ah ayaa loo ururiyey taburacaad lacageed oo gaaraya $13,000 saddex iyo toban kun oo doolar, ka dib markii ay sheegatay in Hooyadeed iyo Aabaheed ay xiriirka u jareen, sababo la xiriir jacayl oo ay la leedahay wiil madow ah.

Allie Dowdle ayaa sheegtay in waalidkeed ay diideen inay siiyaan wax dambe oo lacag ah iyagoo xusay inay ka biyo diidsan yihiin xiriirka ay ku jirto.

Sheekadeeda ayay ku qortay bog Internet oo taburcaadka lagu ururiyio oo lagu magacaabo GoFundMe, waxay tiri Allie “Iyadoo da’deydu tahay 18 sano waalidkey waxay doorteen in aanay dib dambe ii taageerin mustaqbalka, waxay iga qaadeen wax kasta oo aan ka heli karay xaggooda”.

Gabadha Aabaheed wuxuu beeniyey eedeynta isagoo meesha ka saaray inay ku jihaysan tahay midab.
Allie waxay sheegaysaa in iyada iyo Michael Swift [Lamaanaheeda] ay xiriir lahaayeen muddo sannad ku dhaw isla markaana ay u sheegtay waalidkeed, laakiin arinku wuxuu si wayn u soo shaac baxay markii Michael uu u tagey waalidkeed dabaaldagii cidda masiixiga.

Waxay sheegatay in kulankaas ka dib waalidkeed xiriirka u jareen iyadoo hadda ka dib aan u lahayn wax awood ah keydkeeda dhaqaale, baabuurka iyo telefoonka, isla markaana aanay awoodin inay iska bixiso qarashka waxbarashada.

“Aabahay ima siin, wax doorasho ah, wuxuu ii sheegay in aan la ii ogolayn inaan waligeyn Michael dib dambe u arko” ayay leedahay.
“Sabab? Xaqiiqiyan waa midabka jirka, ma noqon karo wax kale” ayay hadalkeeda sii raacisay Allie.

“Ma ilaawi doono sida waalidkey u qayliyeen, markii ay iigu sharaxayeen dareenkooda sida murugadda xambaarsan,taasi oo ahayd inaan sameeyo wax ka fiican waxa aan samaynayo”.

“Ma aqaan sidaan yeelo. Ma fahmi karo sida qof hoos loogu liidi karo sabab la xiriirta midabka. Taas ilaa iyo hadda igama daadegin”.

“Sidee jacaylkeyga aan u hayo qof uu u noqon karaa wax qaldan sabab midabkiisa ku aadan” ayuu tiri Allie Dowdle oo intaas sii raacisay “Maxay tahay sababta aanay iigu yeelan karin wax qiimo ah mustabalka, aad ayaan u dadaalay”.

“Sababtoo ah waalidkey waa kuwa i dhalay, ognna inaan ahay gabadhooda, marka inaan qiimo u yeelan waayo waqtigooda iyo lacagtooda, taas waxaan u bandhigay dadka si ay ii caawiyaan
Bill Dowdle [Aabaha gabadha] wuxuu sheegay in hadaladda gabadhiis yihiin “marmarsiiyo” isgaoo sheegay inay siiyeen taageero sare, wuxuu xusay in isaga iyo xaaskiisu aqbali lahaayeen qof kasta oo ay xiriir gabadhooda la yeesha.

Laakiin wuxuu sheegay in ay jiraan arrimo ku aadan shukaansiga qowmiyadaha ee Waqooyiga Mareykanka, gabadhiisana uu xiriirka ugu gooyey xiriirka qarsoodiga ah ee ay la leedahay Ardeyga madow ee lagu magacaabo Michael Swift.

Reeb Fariin

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s