Kufsi Foolxun Oo Ka Dhacay Waqooyiga Mudug.

Niman dhallinyaro ah oo qaraabada Horjoogaha Puntland Cabdiwali Gaas ah ayaa kufsi foolxun kula dhaqaaqay gabar ka mid ah dadka Soomaalidu haybsoocdo. 

Kufsigan ayaa ka dhacay Xaafada Garsoor ee magaalada Gaalkacayo waxaana dhallinyaradii gaysatay ay sawiro iyo muuqaallo anshax xun ka qaadeen gabadhii falka foosha xun ay kula dhaqaaqeen. 

Kooxdan dhallinyarada ah ayaysan ahayn markii ugu horreeysay ee falnoocan ah ku dhaqaaqaan balse waa markii koowaad ee u soo shaacbaxo falkooda wuxuushnimada ah iyadoo aysan jirin illaa hadda cid wax ka qabatay.

Gabadha falka lagula kacay oo ahayd 13 sanno jir ayaa la sheegay in maskaxiyan u xanuunsan tahay. Iyadoo aysan jirin illaa hadda cid wax u qabata.

Intuu horjoogaha ka aha Puntland Cabdiwali Gaas waxaa deegaannada ku soo badanayay kufsiga loo gaysan dumarka inkastoo dhowaan wasaaradda Haweenku sheegtay in ciqaab adag la marsiin doonno kuwa falalka foosha xun ku dhaqaaqa haddana ma jirto illaa hadda cid si muuqda ugu hawlgashay.
Sirqarsoon@gmail.com 

Reeb Fariin

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s