Labo Ka Mid Ah Maleeshiyadka Horjooge Cabdiwali Gaas Oo Boosaaso Lagu Dilay.

Nin Bastoolad ku hubaysan ayaa laba maleeshiyadka Horjooge Cabdiwali Gaas ka mid ah ku dilay meel u dhaw dawladda hoose ee magaalada Boosaaso .

Ninka ayaa ka baxsaday meeshii uu dilka ka gaystay waxaana bandoo la geliyey qaybo ka mid ah magaalada.

Boosaaso waxa muddooyinka dambe ku soo noqnoqanaayey dilalka saraakiisha iyo Maleeshiyaadka maamulka Puntland lala beegsanayo waxaana laba bilood gudahood  lagu dilay agaasimihii madaxtooyada Bosaaso , xeer-ilaaliyihii maxakamadda ciidamada qalabka sida iyo taliye ku xigeenkii booliska Puntland 
Horjooge Cabdiwali Gaas oo hadda ku sugan Boosaaso ayaa  dhawaan sheegay in Boosaaso u baahantahay in la adkeeyo amnigeeda balse illaa hadda ma jirto cid wax ka qabatay.

Dadwaynaha Puntland ayaa u arka Maamulka Horjooge Gaas mid guuldaraystay oo ku fashilmay hoggaaminta deegaannada.

Sirqarsoon@gmail.com

Reeb Fariin

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s