Somaliland Mise Qabiilkena? Hadaynaan Inagu Runta Isku Sheegin Yaa Kale Oo Runta Ino Sheegaya? 

Waa Sadexda Hogaamiye Ee Hogaamiya Sadexdeena Xisbi Ee Kajira Somaliland Sadexdaba Waxa Hogaamiye Sadex Murashax Oo U Dhashay Beeshena Isaaq, Makula Tahay Inaynu Sida Kunoqon Doono Qaran! Mase Tahay Dariiqa Lomaro Qaranimada Xaasha.

Waxay Mujinaysa Fasiraad Ah Inaynu Nahay Beel Taagatay Calan Iskuna Magacawday Qaran Si Ikhtiyaarkoda Ah Maxa Yeelay Mar Hadii Meesha Ay Kamuqan Wayaan Bulshada Balaadhan Ee Faraha Badan Ee Dagta Somaliland, Ma Ahaan Karno Mana Noqon Doono Qaran Iyo Umad Qurux Badan Inta Reerkena Oo Kaliya Ku Yooyootamayo Somaliland, Hadaynan Manta Is Toosin Anigu Garanmaayo Maalinta Aynu Is Toosin Doono, Waxa Layaab Kale Ah Xata Dhaxalsugayaasha Dambe Ee Somaliland Amaba Raga Sugaya Dhaxalka Murashaxnimo Ee Dambe Waa Isla Reerkena Isaaq , Waxa Ceeb Iyo Foolxumo Si Ah In Beel Kasta Oo Kamida Isaaq Ay Haysato Shan Wasiir Walibana Ay Saluugsanyihiin Saamiga Xaqdarrada Ah Ee Ay Duudsiga Ku Heleen, Hadaynu Dhinac Kale Ka Eegno Dhammaan Awoodaha Dawladeenu Waa Isla Reerkena Haday Noqoto Labada Gole Qaran , Madaxweynaha Iyo Dhammaan Talisyada Kala Duwan Ee Ciidamada Marka Laga Reebo Taliyaha Asluubta Taliye Maxamed Xudhuun . 
Foolxumada Tolaw Ma Layla Arka Mise Ana Khaldan Walalayaal Haday Foolxumo Jirto Manta Matahay Maalinti Aynu Iska Qurxin Lahayn Ee Aynu U Muuqan Lahayn Qaran Qurux Badan.
W/Q Siciid Janagale.

Advertisements

Reeb Fariin

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s